Madaxweynaha DFS oo sheegay in 180-200 askari Kenyan looga dilay weerarkii Ceel Cadde
25 Feb 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa sheegay in 180 ilaa 200 askari looga dilay Ciidamada Kenya Deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.
Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u shaacin tirada Askarta ay Kooxda AlShabaab uga dishweerarkii lagu qaaday saldhig ay ku lahaayeen Deegaanka Ceel Cadde.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa yiri “Markii 180 ilaa 200 askari oo naloo soo diray hal maalin la dilo, ma ahan wax fudud”
Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wata una qiildayaya sawirkii laga qaaday markii uu ka qayb galayey Boroordiiqdii loo sameeyey askartaa ayaa yiri “Askartan waxaa Soomaaliya loogu soo diray, inay na caawiyaan, ayna ka qeyb qaataan soo celinta nabada dalkeena, qoysaskooda waxay muujiyeen inay u dhinteen iyagoo waajibaadkooda gudanaya”