DAAWO-AKHRISO: WAXGARADKA GOBALKA NUGAAL OO MAANTA BAAQ U JEEDIYAY MADAXWAYNAHA JUBBALAND

Kulan ay isugu yimaadeen Qaar ka Mid ah Odayasha dhaqanka,Waxgaradka,Nabadoonada,dhalinyarada iyo Ganacsatada Gobalka Nugaal ayaa waxay maanta ku yeesheen Magaalada Garowe.

Ujeedada Kulankan ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa mid baaq iyo codsi gaar ah loogu dirayay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Madoobe.

Dhammaan xubnaha ka qayb galay Kulankan ayaa waxay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Madoobe ugu baaqeen in Xuriyadiisa dib loogu soo celiyo Nabadoon, Cabdullaahi Bille Siciid oo in Mud ah ku xiran Magaalada Kismaayo,iyo in Nabadoon Maxamuud Gelle Cumar oo Jubooyinka laga Masaafuriyay Carrurtiisa uu dib ugu laabto.

Maamulka Jubaland ayaa dhawaan Magaalada Kismayo ku xiray Nabadoon,Cabdullaahi Bille Siciid,oo ka mid ah Nadoonada Gobalada Jubooyinka,waxaaana la sheegayaa ilaa iyo xiligan sabaabta iyo ujeedada Xariga Nabadoonkaasi.

Sidoo kale Maamulka Jubbaland ayaa guud ahaan gobalada Jubooyinka ka soo Musaafuriyay Maxamuud Geelle Cumar oo dhankiisa ka mid ah Odayaasha jubooyinka oo in muda ah ku Noolaa Magaalada Kismaayo.

Nabadoon Khaliif Aw Cali Axmed oo ka Mid ah Xubnaha Nabadoonada Gobalka Nugaal ee Kulankan ka qeybgalay ayaa waxaa uu diirada saaray in Madaxweynaha Jubaland iyo Maamulkiisa falkan ay ku kaceen uu yahay mid aan hore looga baran balse ay aqbali doonaan baaqa iyo codsiga Odayaasha gobalka Nugaal.

Sidoo kale xubnaha kulankan ka qeybgalay ayaa sheegay in Puntland iyo Jubalan oo wax wada qabsi ka dhaxeeyo islamarkaana dhibaha ka kale dhaca labada dhinac wadaagaan,balse Xariga odayaasha uu yahy mid si weyn looga dareemay gudaha Puntland iyo guud ahaan Somalia.

Cabdullaahi Ciise Aw-Axmed oo ah Gudoomiyihii hore ee Gobalka Nugaal,ayaa Markii uu shirkan soo dhamaday ka dib bahda Saxaafadda u aqriyay Qodobadii ugu Muhiimsan ee bayaan laga soo saray shirkan manta ka dhacay Magaalada Garowe.
Akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Odayaasha Gobalka Nugaal qaar ka mid ah
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

Xigasho:Puntlandpost

About The Author