Hotel SYL oo la weeraray & Alshabab oo sheegtay
26 Feb 2016 (Puntlandes) Kooxda Alshabaab ayaa weerar ku qaaday Hotel SYL oo ku yaala Villa Somalia agagaarkeeda. Weerarka lagu qaaday Hotelka ayaa ku bilowday baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kadibna waxaa xigtay rasaas Xoog leh oo ay fureen dableydii Alshabaab ka tirsanaa ee weeararka qaaday, 45 daqiiqo ka dibna waxaa xigay Qarax kale oo isna aad u xoog badnaa.
Afhayeenka Alshabaab Abu muscab ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in iyagu weerarka ka dambeeyaan hadana ay ku sugan yihiin gudaha hotel SYL.
Abu muscab ataa yiri mar uu sharxayey sida wax u dhaceen ‘‘Waxaan ku bilownay gaadhi qarax ah kadibna waxaan xoog ku galnay Hotelkii,waxaan ku suganahay gudaha Hoteelka dagaalkiina wuu socdaa,’’
Faahfaahin kala soco Warbaahinta Puntlandes