Sawiro: Shil Gaari khasaare badan dhaliyey oo maanta ka dhacay Duuleedka Gabiley ee Somaliland
26 Feb 2016 (Puntlandes) Waxaa ku Nafwaayey Afar iyo toban ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo dad ah kadib markii ay labo gaari ay isku dhaceen Duuleedka magaalada Gabiley ee Somaliland.
Waa Khasaarihii ugu badnaa ee Shil gaari keeno oo ka dhaca Somaliland, iyadoo waayadii u dambeeyey ay Guud ahaan kusoo badanayeen Shilalka Baaburta ee keena Dhimashada Dadeed.
Waxaa loo sababeeyaa Shilalka ka dhaca Guud ahaan Soomaaiya:
- Khibrad la’aan Darawalka ama Wadaha
- Baabuurta oo aan lahayn Bareek/Fariin fiican ama Taayid wanaagsan maadaama uu Daayirku Qayb wayn ka qaato Nabadgelyaf´da Baabuurka
- Wadooyinka oo aad u xun
- Baabuurta oo ku badan Wadooyin ay Tayadoodu Xuntahay aadna u Xadidan
- Isteerinka ama Shukaanta Baaburta oo Midig ku taala halka uu seedka Baaburtu yahay Bidix
Puntlandes.com