Wasiirka Amniga DFS ”Bomka lagu weeray Hotel SYL wuxuu gaarayey 200kg”
27 Feb 2016 (Puntlandes) Wasiirka Amniga DFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in qaraxa 1aad uu ahaa mid aad u culus, waxaana ay Kooxda Alshabaab doonayeen in uu dumu derbiga weyn ee Hotelka si ay gudaha ugu galaan Hotelka.
Qaraxaasi waxa uu dimiyey guryihii laamiga saarnaa ee u dhawaa Hotelka, waxaana ka mid ahaa dadkii ku geeriyoodey laba ka mid ah ciidankii NISA ee ku sugnaa Isbaarada kadib waxaa xigey afar nin oo kamid ah Kooxda Alshabaab in ay ka soo degeen gaariga labaad ee qaraxu ka dhacay ee la dhigey meel Hotelka ka fogeyn, kadibna ay isku dayeen in ay Hotelka ay gudaha u galaan, waxaana isla goobtaas ku diley ciidankii waardiyaha ka hayey Hotel SYL.
Qaraxa gaariga 1aad, ayuu sheegay Wasiirka Amnigu in uu ahaa mid aad u culus oo ka weyn qaraxii Hotel al-jazeera loo adeegsadey oo gaaraya 150kg, kaas oo lagu soo raray gaari nooca xamuulka ah, Qaraxa xalay ka dhacay agargaarka hotel SYL ayuu sheegay in laamaha amniga iyo khubarada ajaanibta ah ee la shaqeysaa ay sheegayaan in uu gaarayey 200kg.
Ilaa iminka ah ma soo bixin tiro rasmi oo ku saabsan dadka ku geeriyooday, waxaa Isbitaalada la geeyey dad qaba dhaawacyo kala geddisan.