Sawiro: Jaamacadda Puntland State University oo Qiimayn ku sa,maysay Waxbarashada Degmada Eyl
Xubno kasocdey maamulka Jaamacadda Puntland state University (SPU), oo ay weheliyeen maamulka ururka ardayda Jaamacadda ee PSUSDA ayaa kormeer ay ugu kuurgelayeen xaaladda waxbarashada degmada Eyl iyo caqabadaha kajira kutegey degmadaasi.
Ugu horayn waxaa kooxdaasi kusoo dhoweeyey degmada Eyl, maamulka degmada iyo bahda waxbarashada gaar ahaan maamulka iyo macalimiinta dugsiga sare ee degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Waftigaani heerka sare ah ayaa waxa ay booqdeen dugsiga sare ee degmada Eyl, waxaana y warbixin kadhegeysteen maamulka dugsiga, iyagoona intaas kadib lakulmay ardayda dugsiga oo ay ujeediyeen khudbad ku saabsaan muhiimadda waxbarashada iyo sida ay u garabtaagan yihiin.
Intaas kadib waxa ay casharo ujeediyeen ardayda dhigata fasalka 12aad ama 4aad ee dugsiga sare oo ay siiyeen casharo kusaabsan kuwa dugsiga sare gaar ahaan maamdooyinka laxiriira xisaabta iyo business-ka mararka qaar ardaydu ku hooseeyaan imtixaamada kama dambaysta ah.
Waftiga ayaa booqday xarunta maamulka degmada ee dowladda Hoose oo ay kula kulmeen maamulka degmada oo uu hormuud u ahaa gudoomiyaha degmada Eyl mudane Muuse Cismaan Yuusuf oo ay kala hadleen baahiyaha waxbarashada degmada.
Baahiyihii ay sida wadajirka ah ugu soo gudbiyeen maamulka degmada iyo kan dugsiga sare gudiga jaamacadda ayaa waxaa ugu muhiimsanaa gaadiid la’aan maadaama ardayda qaar ay 40 daqiiqo dugsiga usoo lugeeyaan.
Waxaa sidoo kale kamid ahaa baahiyaha dhanka waxbarashada agabka waxbarashada dugsiga sare ee Eyl iyo inaysan jirin macaahid laga barto luuqadaha iyo jaamacad ay dhigtaan ardayda dhamaysta dugsiga oo meelo fogfog waxbarashada sare u aada, waxaana ay ka codsadeen inay arrinkaasi ka gacansiiyaan.
Ugu dambayntiina waftigii kasocdey Jaamacadda Puntland State University PSU, ayaa balanqaaday inay wax ka qaban doonaan baahiyihii loosoo gudbiyey ee dhanka waxbarashada ka haysta degmada Eyl ee gogobolka Nugaal.
=====DHAMMAAD====
PSU Media Department