Inkiraada Xaqiiqdu, Waa aqoon la´aan Hogaamineed.

Qormadaan waxaa igu kalifay, kadib markay soo noqnoqotay inkiraad ku aadan xaaladda Amni iyo nololeed ee Dalkii la oranjirey Soomaaliya. Waxaa ugu denbeysey  weeraro ismiidaamin ahayd oo shalay oo taariikhdu ahayd 28, Feb 2016 ka dhacay Baydhabo, kaas oo ay ku dhinteen dad shacab ah oo ka badan 40qof, halka uu dhaawucuna intaas kasii badanyahay. Waxaa taas kasii horeysey qaraxii Hotel, SYL iyo kii Beerta nasashada iyo weliba madaafiicdii lagu weeraray Villa Soomaaliya. Intuba waxay dheceen wax ka yar 48saacadood gudahood.

Markii  wax laga weydiiyey dhibaatooyinkaan Xassan Skeikh, wuxuu ku jawaabey sidii caadada u ahayd, ee ahayd, Meel cidla ah bay wax ku qarxiyeen, Cashar baan ka baranaynaa weerarada Al- shabaab, Horumar Baaxadleh baa la gaarey oo horaan u soconaa iwm.

Aniga oon qoraal gaaban kusoo koobi karin Sifooyinka looga baahanyahay inuu hogaamiye lahaado, baan waxaan isku deyeyaa oo kaliya bal inaan tilmaamo siday ahayd in ay u dhaqmaan Xassan Sheikh iyo kooxdiisu.

Hogaamiye

Hogaamiye markuu rabo in hawl la qabto, wuxuu dajiyaa qaab fikir iyo hawl socodsiin isku xiran, si loo helo natiijada la rabo. Middaas ayaa keeneysa in haddii natiijadii la rabey, la heliwaayo in dib loogu noqdo qaabka shaqo ee degsen si loo qiimeeyo oo loo saxo, waxa ka khaldan.  Dadku waa bini aadam oo waa khaldami karaan, laakiin waa in aan la inkirin in uu khalad jiro ee waa in inta la qirto, wax laga bedelo qaabka shaqo. Si ay taasi u suurto gasho,  waa in uu jiraa, waxa afka qalaad lagu yiraahdo (deviation handling system), Qaab loo saxo waxa khaldan.

Qirashada iyo sixidu waxay imaanayaan marka qofka shaqada hayaa uu yaqaan masuuliyada saaran iyo shaqdiisa dhabta ahi waxay tahay. Kaas oo leh qaab shaqo iyo mid fikir, kuwaasoo is waafaqsan.

Qaab hogaamineed

Marka wax la hogaaminayo waxaa lagama maarmaan ah in uu qofku dejiyaa, qaab shaqo, kaas oo ka imaanaya fikir ama aaminsanaan hadaf, kuna dhamaanaya natiijo. Waa in uu leeyahay qodobadaan.

  • Gundhiga ama ubucda waxa aad aaminsantahay in aad gaadho (Core Values)
  • Mabaadii´da aad aaminsantahay in ay ku geynayaan meeshaas (Principles )
  • Dariiqa ama habka ay tahay in aad raacdo si aad meeshaas u gaadho (Methods)
  • Markaas baad heleysaa Natiijada aad rabtey (results)

Bal eeg! qodobka 1aad, wuxuu kuu sheegayaa in ay jiraan,  Meel  aad ka duulayso iyo Hadaf aad u socoto.  Hadaysan taasi jirin kuwa kalena shaqaynmayaan illeen Yool aad u socotaaba ma jiree.

Qodobka 2aad, wuxuu kugu xirayaa shuruud ah, waa in aad fekertaa oo aad ka fekertaa qaabkii aad ku gaari lahayd hadafkaas. Waxaa meeshaan soo geleya (strategy), kaas oo leh qorshe qeexaya qaabkaaga shaqo. Qodobkaan hadaadan lahayn, waxba tari mayso in aad Hadaf ama Yool leedahay, illeen garan meysid oo kama aadan fekerin sidaad ku gaari lahayd hadaad Hadaf lahayde. Meeshaan, waxay tusaale fiican u tahay Xassan Sheikh iyo kooxdiisa, kuwaas oo ka hadla waxay ugu yeeraan  six pillars, aan qorshe lagu gaaro loo samayn (waaba haduu Yool ahaaye oo uusan Riyo ahayne) marka waa in ay xaqiiqda inkiraan, illeen waxaan hadafna ma ahayn ee waxay ahayd Erayo afka ah, qorshena looma samayn.

Qodabka 1aad haddaan dib ugu noqdo si aan isagana tusaale uga bixiyo. Waxaynu aragnaa Xukuumadda Puntland oo intaa ”strategy iyo plan”, baan samaynay leh, laakiin aanay hadaf iyo Yool loo socdo aysan ka dambayn. Taasi waa midda keentay in ay natiijadii noqoto in ay 2%  oo kaliya ay suurto gashay?! Waxay ugu yeereen qorshahoodii sanadka.

Qodobka 3aad wuxuu kugu xirayaa shuruud ah, in ay jirto qaab wax loo sameeyo, Dariiqii aad kasoo fekertey, process:kii aad raaci lahayd, system:kii aad isticmaali lahayd, wixii aad maalin kasta, Usbuuc kasta,  Bil kasta iyo Sanad kasta aad qaban lahayd, si hadafka loo gaaro.

Qodobka ugu danbeeyaa waa muraayadii aad isku eegi lahayd iyo mirihii aad guran lahayd. Waxaad mar walba arkaysaa oo keliya Natiijada hawshii aad qabatay. Hadaad layligii laguu diray aad si fiican u soo qaybtayna waad baasin, hadaadan eegina, waad dhicin oo weliba si fool xun baad u dhicin. Sida aynu aalaaba ka aragno, xaqiiqda Soomaaliya ka jirta.

Bal eeg,  hadii uu Amni, Yoolkaagu ama Hadafkaagu  ahaa, oo uu Mabda´aagu ahaa ” Zero Tolerance ” inaysan amni xumo dhicin uu ahaa, hadii natiijadu noqoto Usbuuc walba in ay 200qof dhimato oo ay 400qof dhaawacmaan, ma in aad inkirtaa kuu eg? misse waa in aad qiimeyn ku samaysid method:ka aad isticmaashay, in uu sax yahay iyo inkale, si aad u saxdo?. Xassan Kheikh iyo Xulafadiisu middaas waa ku dheceen lagana yeeli maayo in ay inkiraan, waana in ay soomalidu dooroto, Hogaamiye yaqaana sida wax loo hogaamiyo, kaasoo qaata masuuliyada wixii khaldama si uu u saxa, si ay berriyi, maanta uga fiicnaato.

Sidaas oo kale Haday isagakaa khaldamaan micnaha, Qorshe (qaabka yoolka loo gaarilahaa),  Yool (Meesha aad hiigsanayso oo ay suurto gal tahay in aad gaadho) iyo Riyo (meel aad jeceshahay in aad gaadho, laakiin laga yaabo inaanay macquul ahayn) natiijadaadu waxay noqonaysaa mid habowsan. Sida Qaar ka tirsan xukuumadda Puntland ay usoo bandhigeen in ay waxay ugu yeereen Qorshahoodii sanadku?! Ay fuleen 2%. Tusaale, Waxay qorshaysteen(= ku riyoodeen) in aay dhisaan 10 Iskuul  oo min toban Fasal ah. Waxay sanad ka dib arkeen natiijadu in ay noqotay,  in Iskuul hore u jirey ay 2 Fasal ku dareen ( 2%), Muraayadu waxay uun ku tustay in aad  habow ahayde dib isu sax inta aragtid weynaanta inta habowgu uu le´egyahay.

177c3

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author