Sawirro:Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Garoowe ka daahfuray Xafiiska hay’adda Macdanta iyo Shidaalka ee Dawladda Puntland
Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 5-march 2016 waxaa uu magaalada Garoowe ka daahfuray Xafiiska Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka ee Dawladda Puntland.
Munaasibadda furitaanka xarunta hay’adda Macdanta iyo shidaalka Dawladda Puntland ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiro, guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Agaasimayaal ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland, Agaasime ku-xigeenka Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland, Gudoomiyaha Haweenka Puntland, Xubno ka socda bulshada rayidka ah iyo saraakiil ciidan.
Cabdicasiis Maxamuud Cali (Xaaji Sayn) agaasime ku xigeenka Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland ayaa sheegay in ay ku guulaysteen inay markii ugu horraysey ay hay’adda macdanta iyo shidaalku xafiis ka furato caasimadda Puntland ee Garoowe, isagoona tilmaamay in xafiisku uu dadweynaha Puntland u fududayn doono inay keenaan waxyaalaha macdanta ah ee ay guryahooda ku haystaan, isla markaana ay ugu iib gayn doonaan dunida inteeda kale maadaama ay hay’addu xiriir wanaagsan la leedahay inta badan dalalka adduunka iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha macdanta.
Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in hay’addani ay wax badan ka beddeli doonto shaqada macdanta iyo shidaalka Puntland, maadaama xafiis rasmi ah ay ka furatay caasimadda Puntland ee Garowe.
Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa ugu baaqay dadweynaha Puntland inay lasoo xiriiraan xafiiska hay’adda macdanta iyo shidaalka Puntland si horumar wada jir ah looga gaaro arrimaha macdanta iyo shidaalka.