Dhageyso-Kashifaad : Xildhibaan Cabdi Barre” Madaxweyne Xasan & Koox uu Wato ayaa Boob ku Haya Dhulalka Muqdisho ku yaalay”

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo ka mid ah Mudanayasha Baarlamanka ayaa si kulul uguu eedeyay Madaxweyne Xasan shiikh in uu masuul ka yahay Boobka Magalada Muqdisho ka socda ee lagu haayo Guryaha Dadka Shacabka.

215-5a

Xildhibaanka waxa uu sheegay in Madaxweynaha uu Maxkamada Kensaday Xeer Ilaaliyaha Axmad Cali daahir lagu magacabo si uu ugu fududeyo Boobka Guryaha Dadka Shacabka ay leeyihin wuxuuna sheegay in magalada Xamar ay ka jirto Boobkii ugu weynaa.

Xildhibaan Cabdi Barre waxa uu intaasi ku daray in Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmad Cali Daahir uu hantida shacabka uu gacanta u galinaayo Masuuliyiinta Dalka oo Madaxweynaha ugu Horeeyo dalkaana uusan ka jirin isla xisaabtan la’aan.

Ugu Dambeyn Xildhibaanka waxa uu sheegay in Boobka iyo Waxa Maanta Xamar ka socda in Xildhibaanada Baarlamanka aysan waxba ka qaban karin maadama buu yiri Masuliyiinta Dowlada ay u Bareerayan Dhaca iyo Boobka Hanitada Shacabka.


Puntlandes.com

About The Author