Dhagayso: USA, Mudaneyaal Lacag u Dalbay Soomaaliya
24 Marso 2016 (Puntlandes) 16 mudane oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka oo uu ka mid yahay Keith Ellison ayaa dalbaday $87.7 milyan oo lagu caawinayo Soomaaliya.
Lacagtan ayey mudanayaashu waxay sheegeen in lagu taageerayo hay’adaha dawliga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kaabayaasha dhinaca dhaqaalaha.
Dhanka kale waxay sheegeen mudanayaashu in dhowaanahan guulo waa weyn laga gaaray kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya, sidaas darteedna ay doonayaan in lasii xoojiyo dhismaha iyo awooda dowladda Soomaaliya.
Dhagayso Warbixntan oo ay VOA ka diyaarisay
Puntlandes.com