Sawiro: Xaflad ballaaran oo lagu soo Dhawaynayey Degmada Cusub GALXAMUR ee Gobolka Doollo DDSI oo maanta ka dhacday GALXAMUR

25 Marso 2016 (Puntlandes) Waxaa maanta oo Jimce ah bishuna ay tahay 25tii Marso 2016 ka dhacday Magaalada Galxamur Xaflad ama Munaasibad aad u ballaran oo lagu soo dhawaynayey Degmada Cusub ee GALXAMUR ee Gobolka Doollo ee Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI).

1

27kii bishii ina dhaaftay ee Febraayo 2016 ayaa waxay kal-fadhigii Golaha Wakiilada DDSI ay codbuuxa ku ansixiyeen Degmooyin cusub, Gobolo cusub iyo Maamul Magaalooyin cusub oo lagu soo kordhiyey guud ahaanba Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, taasoo ay Galxamur ka mid ahayd labo Degmo oo loo magaacabay Gobolka Doollo ee DDSI, faahfaahin halkan ka akhriso.

Xafladii ama Munaasabadii lagu soo dhawaynayey Degmada Cusub ee Galxamur ayaa waxaa kasoo qayb galay wufuud kala duwan oo iskugu jira madax kala ah Xildhibaan heer Federaal, Wasiir ka tirsan DDSI, Isimo, Nabadoono, Aqoonyahano, ganacsato, Waxgarad, Dhalinyaro iyo Haween.

Heer Federaal waxaa kasoo qayb galay Munaasabadii maanta Xildhibaan Ifraax Maxamuud xuseen oo ah Mudane ka tirsan Golaha Wakiillada Ethiopia, lagana soo doortay Degmada Bookh iyo Dannood. Xildhibaan Ifraax ayaa ah Mas’uul aad u dadaal badan qabatayna shaqo aad u fiican mudadii yarayd ee ay ahayd Xildhibaanka, waxayna aad uga shaqaysaa Horumarinta Gobolka Doollo iyo guud ahaan DDSI.

Heer DDSI waxaa kasoo qayb galay Munaasabadaas Mudane C/jamaal Axmed Qaloonbi oo ah Wasiirka Xeer Ilaalinta iyo Cadaalada guud ee DDSI.

Dhanka Isimada waxaa munaasabadaas kasoo Qayb galay Islaanka Beesha Cumar Maxamuud Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, Amiirka Beesha reer Khalaf Amiir Mohamud Yuusuf Ciise iyo Imaamka Beesha reer Maxamed Faarax Imaam Cabdiwahaab Maxamuud Gurey.

Dhamaan mas’uuliyiintii, Isimadii, Waxgaradkii iyo Bulshada qaybaheeda kala ee ka hadlay Munaasabadda waxay si isku mid usoo dhaweeyeen magacaabitaanka Degmada cusub ee Galxamur iyagoo u mahadnaqay madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar magacaabitaanka Gegmada cusub ee Galxamur.

Isla goobtii Munaasabada soo dhawaynta Degmada Cusub ee GALXAMUR ayaa waxaa laga dhawaaqay Guddi ka kooban 11 xubnood oo loo Xilsaaray inay Dhaqaale u ururiyaan Horumarinta Degmada cusub ee GALXAMUR, iyadoo isla goobta lagu bilaabay in dhaqaale lagu shubo Account-tiga Degmada Cusub.

Mas’uuliyiintii, Isamadii iyo waxgaradkii ka hadlay Munaasabadda ayaa waxay ku booriyeen Qurbojoogta kasoo jeeda Degmada cusub inay qaataan kaalintooda kana qayb qaataan Horumarinta Degmada.

177b1

Intii uu Xilka madaxtinimada DDSI la wareegayMadaxweynaha iminka ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar waxaa ka hanaqaaday Degaanada DDSI Horumar aad u baaxad wayn, Horumarkaasoo ku yimid dadaalka Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo ah mas’uul aad u aragti dheer.

Guud ahaan Dadweynaha ku nool DDSI dawlada Cabdi Maxamuud Cumar waxay ku dhiiri gelisaa inay qayb ka noqdaan Horumarka ka socda DDSI.

Dadwaynaha ku nool Degmada Galamur ayaa waxaa laga doonayaa inay ilaashadaana nabadgalyadooda, dhistaan Deegaankooda, kana shaqeeyaan Horumarka Degmada cusub ee Galxamur, si uu deegaankoodu ula jaanqaado Horumarka ka socda guud ahaan Degaanada DDSI, halkan ka akhriso maqaal ka hadlaya Degmada Cusub ee GALXAMUR.

Daawo sawirro
1
2
11
3
4
6
12
7
8
9
10
Puntlandes.com

About The Author