Baarlamaanka Jubaland oo markii afraad muda kordhin usameeyay madaxweynaha
27 Marso 2016 (Puntlandes) Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland ayaa maanta fadhi ku yeeshay ayaa markii afraad muddo kordhin u sameeyey ku saabsan xiliga uu soo magacaabayo Golihiisa Wasiiradda.
Muddada uu madaxweynuhu baarlamaanka ka codsiday oo loo ogolaaday ayaa ahayd 45 maalmood oo dheeraad ah la siiyo si uu usoo dhiso xukumada cusub.
Waa markii afraad ee madaxweynaha muda kordhin loo sameeyo, waxayna iminka kusoo aadaysaa iyadoo ay Siyaasiyiinta Beesha Sade la heshiiyeen madaxweyne Axmed Madoobe
Puntlandes.com