MAQAAL XIISO BADAN: Waa kuma Aqoonyahay? W/Q Maxamed Saliid

Eraygaas oo aan u qabey, in Soomaalidu micnihiisa dhabta ah, ay fahmeen mar hore, ayaan waxaan Maanta oo ay taariikhdu tahay 2016-03-30, ka dhegeystey Idaacadaha Puntland in Ra´iisulwasaaraha Soomaliya uu la kulmay Aqoonyahano.

Waxaan Doon doonay cidda ay noqonkaraan dadkaasu.  Inta goor cabaar ah fekerey baan waxaan waayey sumad aan u yeelo. Kolkaas baan waxaan is iri hadaad, dadkaas sumad gaar ah u weydey, bal marka erayga Soomaaliga ah ee aqoonyahay is weydii  waxa uu fasiraadiisu noqon karo, waa intaasoo aad raga iyo dumarka meesha tegey aad garataa cidda ay yihiine.

Eraygu wuxuu ka koobmaa laba eray oo kala ah Aqoon iyo Yahan.  Waxaan midkasta u daba galay si gooni ah.

  • Waa maxay aqoon? 2) waa maxay Yahan?

Helida fasiraadda saxda ah ee labadaan eray, waxaa iga qabsaday wareer badan, maadaama aanay jirin, guddi si dhab ah u baara, oo u, qeexa afka Soomaliga, marka laga reebo guddi mar dhaw la aasaasay oo layiraahdo Gudiga Akadeemiyada Afsoomaaliga, kaas oo wali aan si fiican u hanoqaadin.

Waxaan la raftaba, waxaan helay, website magiciisa la yiraahdo qaamuus. Bartaas internet:ka ayaa sidaan iigu fasiray labada eray.

http://qaamuus.net/
aqoon

Qaabnax: m.dh  Isrogrogga:

1. Cilmi. 2. Garasho dheerad ah oo wax loo leeyahay. Tus. “Jaamac Xamar aqoon buu u leeyahay”.

yahan

Qaabnax: m.l  Isrogrogga:

1. Dhagax, adag, xanaf leh oo middiyaha, toorriyaha iwm lagu afeeyo. 2. Baydari; ugaarsade; laaye; dile; hargaanti. 3. Hadii magac gadaal loogu liifaqo xirfad ayuu muujiyaa. Tus. “Dagaalyahan, aqoon-yahan iwm”.

Fasiraada labadaan eray waxay i siiyeen, wadooyin cusub oo aan u fekero, marka aan mala´awaalayo garashada dadkaan meesha isugu yimid.

Waxaan ka fekerey, maadaama, fasiraada labadaan eray ay ka dhalanayso, fahamka ah in shay garasho dheeraad ah loo yeesho  iyo erayga labaad oo marna micne gooni ah dhalinaya marna magac kabaya, sida tusaalahaba ka muuqata ”Dagaalyahan” ayaan waxaan is weydiiyey, dadka meesha tegey toloow ma Askarbaa?

Arrintaasi Macquul way ila noqonweydey, maadaama askartu ayba ku faanaan astaantooda, oo inta Garaado iska soo lulaan ku imaanlahaa meesha iyaga oo sumad u gaar ah, oo la yaqaan wata, sida Daraawiish, Booliis, Asluub iwm. Ama Kuwo matelaya Askarta, kuwaas oo qaadan lahaa sumad ka Xarrago badan sida Saraakiil.

Hadda hadaanay ahayn Askar maxay noqonkaraan?

Waxaan ka fekerey toloow! maadaama xirfad la sheegay. Ma dhakhaatiirta Puntland ka hawlgasha bay ahaayee Dadkaasu?

Middaasina waxay noqon weydey macquul, oo waxaan garawsayday, in dhakhaatiirtu ayba ka jecelyihiin, in looguyimaado goobtooda shaqo, si ay usoo bandhigaan xirfaddooda iyo garashada dheer ee uu illaah kula garab galay si ay bulshadooda ugu adeegaan.

Hadaysan kuwaasna ahayn, waa ayo haddaba dadkaani?

Waxaan ka fekerey in ay sidaasoo kale ay jiraan, xirfadleyaal, ku faani lahaa in loogu yeero magaca xirfaddooda, halkii ay ku dhex qarsoomi lahaayeen qaar kale oo badan. Xirfadahaas waxaa ka mid ah, Macalimiin, Qareemo, Culimo iwm.

Markaas  baa anoo dib u eegaya fasiraadda erayada, bal si aan uga helo waddo kale oo aan ka fekero, ayaan waxaan ka dhex arkay magacyadaan. Dhagax, Xanaf leh, Toorrey, Hargaanti. Kuwaas oo aan markaa ku darsaday, erayga fasiraada kale, oo ah Shay garasho dheeraad ah loo leeyahay. Waxaa iisoo baxday xirfadahaan, Fuundileey, Harqaanleyaal, Birtumeyaal ama ugaarsade, laaye, dile, Geeljire, Qawsaar.

Markaan helay Xirfad ay macaquultahay in ay yeelan karaan ayaan waxaan is weydiiyey, Soomaalidu sida ay u aragto Xirfadahaas, markaas ayaan waxaan is tusay in ay yihiin kuwo maqaamkoodu uu hooseeyo oo ay macquul noqon karto in qofka haystaa garashada dheer ee xirfadahaasi inuusan waxba ka qabin in loogu yeero Aqoonyahan.

Aniga oo weli ka fekeraya Aqoonyahanka uu Ra´iisulwasaaruhu la kulmay, ayaan waxaan is weydiiyey, waxa ay qolyahaan aqoonyahanka ah, ee aan kor kusoo xusnay ay wada danaynkaraan? Ma jiraa hooseeye ka dhaxayn kara oo iyagoo iswata keeni kara in ay la kulmaan madaxda qaranka?

Waxaa iisoo baxday in aanay kuwaana ahayn, illen Dawaarluhu wuxuu rabaa in uu ka hadlo, Maryo, Dun iyo Cirbadood, waa haday dhibaato ka haysato´e, halka laga yaabo in Geeljiruhu danaynayo, Hal, Nirig, Daaqsin, Gal-xareed ah iyo Dhabo aroor iwm.

Oo tolow marka yey noqon karaan? Amay noqon karaan qolo Shaqo iyo Xirfadlaaweyaal ah oo maqaaxiyaha iyo fadhi-ku-dirirka ku saaxiibay, kuwaas oo inta wax kale waayey, toshay Shaati, humaag qariye ah, kaas oo qarinaya baagamuudada haysata. Iyagoo laga yaabo in ayba kafaanayaan in ay qabtaan shaqooyinka qaarkood halka laga yaabo in ay baryaan, qof assaagood ah oo qabta shaqada ay iyagu ka faaneen. Kuwaas oo markaa  sheegta oo afduub u haysta erayga, Aqoonyahay.

Wax walbaa waa macquul, ninwaloowna fasiraadaa.

177c3

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author