Sawiro: Marwada Madaxweynaha Dawladda Puntland oo qado sharaf u samaysay Waftigii ka socdey Dawladda Federaalka Soomaaliya
Marwada Madaxweynaha Dawladda Puntland Hodon Siciid Ciise ayaa maanta 02-April-2016 qado sharaf ugu samaysay qasriga Madaxtooyada Waftigii ka socdey Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waftigaas oo isugu jirey labada gole ee dawladda Federaalka Soomaaliya.
Qado sharafta ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaanay qado sharaftaasi daarranayd soodhoweyn ay Murwada Madaxweynuhu u samayneysey waftigii ka socdey Dawladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo Puntland u yimi dedaalada loogu jiro xal u helidda geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka.
Waftiga uu hoggaaminayo Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali oo Puntland ku sugan Muddo ka daban hal toddobaad ayaa waxay u yimaaddeen sidii ay Dawladda Puntland ugala xaajoon lahaayeen geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, isla markaana xal-waara looga gaadhi lahaa khilaafka dhinaca doorashada ee u dhexeeya Dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cali Jaamaca Jaangeli ayaa Marwada Madaxweynaha uga Mahadceliyey qado sharafta ay u samaysay, waxaana uu intaa sii raaciyey in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay Madaxweynaha iyo Marwadiisa la-qaataan kulankaasi qado sharafta ah.
Geesta kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Waftiga uga Mahadceliyey sida wanaagsan ee ay usoo ajiibeen Casumaaddii ay u fidisay Murwada Madaxweynuhu ee ayd soo dhoweynta, maadaama waftigu uu ku jirey shaqo adag muddo hal toddobaad ah taas oo dhabbaha loogu xaadhayey sidii loo heli lahaa dawladnimo Soomaaliyeed oo haysata kalsoonida shacabkeeda.