XOG-FAALLO: Wararkii ugu dambeeyay Shirarka Garowe & Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo kusoo Biiraya Berri

2 April 2016 (Puntlandes) Wararka ay ka helayso Warbaahinta Puntlandes Caasimada Puntland ee Garowe ayaa sheegaya in aan wax is afgarad ah ama Heshiis ah oo laga gaaray shirarkii DFS iyo Puntland aysan jirin ilaa iyo iminka.

217-3b

Wafdiga DFS ee uu hogaaminayey Raysul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa  awalba waxay ahaayeen FARIIN QAADAYAAL ka waday madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa DAMUL JADIID Fariijn ah ”waa in Puntland Qaadataa 4.5” , halka ay dawlada Puntland iyo shacbkeedu ay horay u qaateen ”Qaadan mayno 4.5”.

217-3e

Sida ay ka helayso Warbaahinta Puntlandes Ilo Xog ogaal ah kulamadii ugu dambeeyey ee ay wada yeeshaan RW Cumar iyo dawlada Puntland waxba waa ka socon waayeen oo DFS waxay doonaysaa in 4.5 ay Puntland ku qaadato DUUDUUB iyadoo aan waxba laga bedelin Go’aankii Xasan Sheekh iska qaaatay kaligiis.

Wafdiga Raysul Wasaare Cumar ayaa wali qaadan la’ go’aanka Puntland ku diiday nidaamka 4.5, waxaana tan iyo intii ay Garowe yimaadeen wadaan kulamo is-daba joog ah oo dhammaadkiisa aan wax natiijo ah ka soo bixin, waxayna u badan tahay inay dib ugu laaban doonaan Muqdisho iyagoo aan wax go’aan ah wadin.

DFS oo u gacan haadinaysa amaa caawimaad ka dalbatay Beesha Caalamka

218-1b4

Intii ay Wafdiga Raysul Wasaaraha ku sugnaayeen Caasimada Puntland waxaa inay Caawiyaan DFS u yimid Garowe Wafdi ka socda Dawlada Turkiga iyo mid kale oo ka socday UN-ka.

Ballanqaadyo aad u fara badan oo uu Turkigu u sameeyey Puntland waa uu ku Guulaysan waayey inuu ku Qanciyo 4.5 dawlada Puntland maxaa yeelay Turkigu dhowr jeer ayey ballanqaad Mashaariiceed u sameeyeen Puntland waxna kam aysan suurto gelin (maxaa yeelay Xamar ayaa u Diiday”, marka ma MUUQATO sabab ay Puntland ugu kalsoonaato Ballanqaadka Turkiga.

Wafdi Culus oo berri kusoo wajahan Garowe

208-3

Warar soo gaaraya Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya inay maalinka berri ah kusoo aadan yihiin Puntland Wafdi Culus oo ka socda Beesha Caalamka kuwaas oo ka kooban:

  • Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.
  • Wadfi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Dr Tedros Adhanom
  • Safiiro iyo wakiilo Soomaaliya u fadhiya dalalkooda

211-7

Waxaa su’aali ka taagan tahay maxay soo kordhinayaan wafuuda ka socota BEESHA CAALAMKA soow maaha kuwii lahaa waxaanu taageernay wixii ay Soomaaliyi isku raacday oo ahaa 4.5 in Doorashada lagu galo, Maxay kasoo doonayaan Puntland? May Joogaan Muqdishadii ay Taageereen, Halkaan ka daawo BEESHA CAALAMKA iyo siday Soomaaliya uga Shaqayso

About The Author