Dhagayso: Dawlada Puntland oo Ciidamo gaysay Garacad

16 April 2016 (Puntlandes) Dowlada Puntland  ayaa Ciidamo badan ku daabushay deegaan Xeebeedka Garacad oo ka tirsan Degmada Jatiiban ee Gobolka Mudug.

Ciidamadan oo isugu jira kuwa Badda iyo kuwa Difaaca Puntland ayaa shalay loo daadgureeyay deegaanka Garacad, waxaana qorshaha uu yahay inay halkaas Saldhig Milateri ka samaystaan, halkaasoo ay dhawaan soo dhanaka Badda ay Alshabaab kasoo weerartay.

220-5a

Gudoomiye Kuxigeenka labaad ee Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur Yare oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidankaa uu horay ugu qorshaysnaa Garacad inay Saldhig ka samaystaan balse ay daahday.

Gudoomiye  Axmed Muuse Nuur Yare ”Qorshaha Ciidanka maanta la geeyay garacad maahan mid bilaamay hadda iyo dagaalkii alshabaab kadib Sanadkii 2014 ayaa qiimayn la sameeyay la isla qaatay in Ciidanka Badda Puntland ay saldhig ka samaystaan garacad balse taas waa suuroobi wayday hadda ayayana suurowday”

Dhagayso Gudoomiye  Axmed Muuse Nuur Yare


About The Author