Dhagayso: Maxamed Yuusuf oo sheegay in 382 qof ay xabsiyada Puntland isaga jiraan iyagoon helin cadaalad
17 April 2016 (Puntlandes) Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xaquuqul Aadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali ayaa waraysi uu siiyay Radio Daljir waxa uu dad Xabsiyada isaga jira iyagoon helin Xuquuqdii ay lahaayeen, iyadoo ay maxaabiis isaga xiran tahay xabsiyada Puntland.
Gudoomiye Maxamed Yuusuf ayaa yiri “382 qof ayaa isaga xiran xabsiyada Puntland, waa arrimo inta badan yimaada marka falal amni-darro ay bulsahda Puntland la kulmaan, dadka xirxiran waxay u badanyihiin dad kasoo jeeda gobollada Koonfureed ee dalka, marar badan ayaa hay’adaha qaabilsan arrintaan kala hadalnay, waxaase noo muuqatay in aan dareen-keenna cabbirno”
Dhagayso waraysiga Gudoomiye Maxamed Yuusuf
Puntlandes.com