Sawirro: Shirkii looga hadlayay dhaqaalaha Caalamka oo lagu soo gabagabeeyay Washinton
17 April 2016 (Puntlandes) Shirkii loogana hadlayay Dhaqaalaha Caalamka ayaa lagu soo gabagabeyeey magalaada Washington ee dalka Mareykanka, ayadoo laga soo saarey qodobo muhiim ah.
Muddadii uu socday shirkaasi ayaa waxaa jiray shirar kala duwan oo ay isugu yimadeen wasiirradda maaliyadda dalalka caalamka waxaana ka mid ahaa wasiirka maaliyadda DFS Mohamed Adan Ibrahim (Farketi) kaasoo laga hadlayey kaalinta horumarka dhaqaale ee dunida ay ku leedahay waxbarashada gaar ahaan sidii haweenka ay door uga qaadan lahayeen dhanka waxbarashada.
Wasiirka maaliyadda DFS oo hadal ka jeediayay shirkasi ayaa si weyn uga hadlay horumarka dalka Soomalaiya ka jira dhinacyada siyaasadda dib u dhiska iyo horumarka dowladnimo iyo kan maamulka malaiyadeed.