Daawo Video: Dhalinyaro kor u dhaafaya 400 oo ku Hariqmay Badda u dhaxaysa Masar & Talyaaniga
17 April 2016 (Puntlandes) Dhaliyaro kor u dhaafaysa 400 oo Soomaaliyeed ayaa ku dhintay Bada u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga, kadib markii ay la qalibantay doon ku Safrayeen.
Doonta ayaa Dhalinyaradan Soomaaliyeed ayaa Doontii ay ku Safrayeen la dhacday hameenimadii Axada , mid kamid ah Dhalinyarada ka badbaaday masiibadan oo lagu Magacaabo Cawaale Safiir ayaa sheegay inay ahaayeen 500 oo qof ayna iminka kusoo badbaadeen 23 kaliya intii kalena ay Badda ku geeriyoodeen.
Waxaa wax aad u xanuun badan ah Dhibaatada ku raagtay ummadda Soomaaliyeed ee haysata mudda ah Rubac Qarniga taasoo ka yeeshay dhalintoodii wax Badda ku dhinta iyo wax la haystayaal u ah Qowlaysato Carbeed. Suaal ay tahay inuu is waydiiyo Ruux kasta oo Soomaaliyeed ayaa ah ma saana danteenu ku jirtaa? Sidee ayeynu uga bixi karnaa dhintan? Taasoo jawaabteedu isugu soo ururayso MIDNIMO, WADAJIR, DULQAAD iyo ISU TANAASUL. Dalkan Soomaali baa leh nin kale oo u badbaadinayaana ma jiro inay iyadu badbaadsato maahee.
Puntlandes.com