Sawirro: Shir Madaxeedkii Afrika ee Tana High Level Forum oo si rasmi ah loosoo gebagebeeyey
Shir Madaxeedkii Afrika ee Tana High-Level Forum oo muddo labo maalmood ah ka soconayey magaalada Bahir Dar ee dalka Ethiopia loogana hadlayey nabad-gelyada qaaradda Afrika ayaa si rasmi ah loo soo geba gebeeyey .
Shirkan oo uu ka qayb galay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa iyaguna sidoo kale waxaa kasoo qayb galay Madax badan oo ka kala yimi wadamada qaarada Afrika, kuwaas oo ay kamid ahaayeen Madaxweynahayaasha Sudan, Congo, Uganda , Malawi, Tanzania, Nigeria, Togo, Batswana, Mauritania, Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia, xog-hayihii hore ee Qaramada Midoobey Kofi Anan, wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating iyo wakiillo metelayey beesha caalamka.
Dhammaan Madaxdii kasoo qayb gashay shirka ayaa waxay soo jeediyeen khudbado ay diiradda ku saarayeen ammaanka iyo horumarka qaaradda Afrika, islamarhaantaana waxay ku dar-daarmeen sidii looga wada shaqayn lahaa adkaynta nabad gelyada qaaradda iyo sidii ay wadamada Afrika door muuqda ugu yeelan lahaayeen go’aamada caalamka.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shirka ka jeediyey khudbad muhiim ah ayaa dhankiisa kaga war bixiyey xaaladda amni ee Puntland iyo guud ahaan midda dalka soomaaliya oo idil, waxaana uu muujiyey in waddanka Soomaaliya uu kasoo kabanayo dagaalladii dabada dheeraaday ee 25-kii sano ee u dambeeyey ka jirey dalka.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in laga wada shaqeeyo soo afjaridda kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab, kuwaas oo weli dagaallo kawada koonfurta iyo bartama Soomaaliya welibana diidan in Soomaaliya lagu soo dabbaalo nabad iyo xasilooni waarta.
Shirkan Tana Forum ayaa noqonaya markii saddexaad ee Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ka qayb galo, halka Madaxweynaha Dalwadda Federaalka Soomaaliya uu markii ugu horraysey kusoo biiro ka qayb galka shirkaasi ay madaxda Afirka sanadkiiba mar isugu yimaadaan .