Sawiro: Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo Furay Baarlamaanka Puntland Fadhi aan Caadi ahayn
April 23 2016 (Puntlandes) Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ayaa maanta Magaalada Garoowe ka furay Fadhiga aan caadi ahayn ee uu yeelanayo baarlamaanka Puntland.
Kulanka aan caadiga ahyn ayaa waxaa Baarlamanka kuansixinayaan gudiga doorashooyinka Puntland oo tiradoodu tahay 9-xubnood.
Gudigan ayaa waxaa magacaabay Baarlamaanka iyo Xukuumadda, waxaana ay ka kooban-yihiin sagaal xubnood waxaana haddii la ansixiyo xubnaha guddiga doorashooyinka Puntland ay iska dhex dooran doonan guddoomiye iyo ku-xigeen, kaddibna waxaa ay si rasmi ah u guda-galayaan shaqadooda.
Puntland ayaa isku diyaarineysa hanaanka asxaabta badan oo doorashada dhacaysa 2019 ayaa noqon doonta mid ay shacabku codka dhiibtan,iyagoo dooranaya madaxweynaha hoggaaminaya.
Waa markii ugu horreysay oo doorashada noocan ah ay Puntland u diyaar garoobeyso xilli ay waqtiga dowladda hadda jirta uga dhiman-tahay muddo ka badan labo sanno.
Puntlandes.com