Sawirro: Marwada Madaxweynaha oo Garoowe kaga qayb gashay shir looga hadlayey joojinta gudniinka gabdhaha
Marwada Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr’s Hodon Siciid Ciise ayaa maanta 23-April-2016 ka qayb gashay shirweyne looga hadlayey dabar goynta gudniinka gabdhaha oo lagu qabtay Jaamacadda Puntland State University ee magaalada Garoowe.
Shirkaas ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska waxaana sidoo kale kasoo qayb galay Wasiirro, hay’ado Caalamiha, hay’ado maxalli ah, xubno kamid ah haweenka u ololeeya joojinta gudniinka gabdhaha iyo ururada kala duwan ee Haweenka Puntland.
Shirka ayaa sidoo kale waxa lagu daah furayey Danjiraha Cusub ee joojinta gudniinka gabdhaha oo loo magcaabay Dr’s Hodon Siciid Ciise Marwada Madaxweynaha si loo joojiyo guud ahaanba gudniinka gabdhaha oo muddo badan ay socotey ololaha wacyigelinta ku aaddan joojinta gudniinkaasi.
Sidoo kale ujeedooyinka loo magcaabay Danjiraha joojinta gudniinka gabdhaha ayaa ah sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa dadka ku hawlan xirfadda gudniinka isla markaana dhaqaale loogu heli lahaa si barnaamijyada wacyigelinta ah loo gaadhsiiyo tuulooyinka iyo dhulalka miyiga ah oo weli ay ka jirto gudniinka gabdhuhu.
Dr’s Hodan Siciid Ciise Marwada Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in ay ka shaqaynayso sidii loo dabar goyn lahaa fikraddaasi qallafsan ee ku baahdey guud ahaan geyiga Soomaaliyeed iyadoo kaashanaynaysa haweenka Puntland oo meel uga soo wada jeeda sidii loo joojin laha gudniinka Gabdhaha.
Sidoo kale Dr’s Hodon waxay kula dar-daarantay haweenka Puntland meelkasta oo ay joogaan in ay u midoobaan joojinta gudniinka gabdhaha maadaama aanu diinta Islaamka meelna kaga soo aroorin isla markaaana uu halis caafimaad ku hayo haweenka.