Sawiro: Tartan Qur’aan Akhris ahaa oo lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho & Gobolka bari oo ku guulaystay

April 23 (Puntlandes) Tartan Qur’aanka Kariimka ah oo ay soo Qabanqaabisay Jimciyadda Al-Ishraaq ayna ka qaybgalayeen Arday Soomaaliyeed oo ka kala socday 18ka Gobol ee dalka Soomaaliya ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo tartankaasi uu soconayay shantii Cisho ee la soo dhaafay.

Munaasabada xiritaanka tartankani islamarkaana lagu abaalmarinayay Ardaygii ku guulaystay iyo kuwii kale ee ka qeyb galay tartankaasi ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka arrimaha diinta iyo owqaafta DFS, Xildhibaanno, Culumaa’udiin, aqoonyahano, waalidiin, iyo marti sharaf kae oo lagu casuumay.

Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo ah Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka ee tartankaasi oo munaasabadda ka hadaly ayaa shaaciyey in kaalinta koowaad uu galay arday ka socday Gobolka Bari oo lagu magacaabo Cumar Cismaan Cali, waxaa isna  kaalinta labaad galay arday ka socday Gobolka Jubada Hoose.

Cumar Cismaan Cali ayaa wuxuu ka qayb gali doonaa inshaa allaah tartanka caalamiga ah ee sanad walba lagu qabto magaada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

xulka (1)xulka (2)xulka (3)xulka (4)xulka (5)xulka (6)xulka (7)xulka (9)xulka (10)

About The Author