Madaxweyne Gaas oo u Safray Xalay dalka Sacuudiga
April 23 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu u duulay waddanka Sucuudga Asaga oo ka duulay Magaalada Adis Ababa ee Caasimada Itoobiya oo uu kaga Qayb galayey Shirweynaha Ammaanka Iyo Dhaqaalaha Africa.
Waxaa Gaas safarkiisa Sucuudiga ku weheliya Wasiirka Dekadaha,Gaadiidka badda iyo la Dagaallanka Burcad Badeedda Puntland Cabdulaahi Jaamac Saalax iyo sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha.
Booqashada madaxweyne Gaas ayaa qaadan doontaa muddo 3 maalmood ah, isagoo Madaxweynuhu dib ugu laaban doono Magaalada Addis Ababa oo uu ka dhoofay xalay.
Ujeedka safarka Madaxweyne Cabdiwali Gaas ee dalka Sucuudiga ayaa la xiriira Kaabayaasha dhaqaalaha, Xoojinta Ciidamada Puntland, la dagaallanka Argagixisada sida Alqaacidda iyo Daacish iyo waliba Kooxaha Shiicada ah ee hubaysan ee ku sugan dalka Yeman oo Puntland la leh xuduud dhinaca badda ah.
Sucuudiga ayaa aad u danaynaya inuu Puntland ka caawiyo sidii Shiicadu aysan xeebaha Puntland u soo gali lahayn maadaama ummadda Puntland iyo tan Soomaaliyeedba ay 100% muslim sunni ah yihiin, sidoo kalena Sucuudigu uu yahay Muslim Sunni ah.
Si kastaba ha ahaatee Sucuudiga ayaa taageerada uu siiyo DFS, Puntland na qaybteeda siin doono, waxaana ka mid ah waxyaabaha uu ka taageeri doono dhismaha iyo horumarinta dekaddaha.
Puntlandes.com