Dhagayso: Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Furay su’aalana lagu weydiiyay kalfadhi u furmay Barlamanka

April 23 (Puntlandes) Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Caasimada Puntland Garoweayaa waxaa maanta ka furmay kalfadhi aan caadi ahayn oo lagu ansixinayo Guddiga Doorashooyinka Puntland ee dhawaan la magacaabay.

221-4a4

 

Kalfadhiga aan caadiga ahyn ayaa waxaa furay madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay isagoo u jeediyay mudanayaasha khudbad uu diiradda ku saaray amniga iyo abaaraha ka jira dhammaan gobollada.

Furitaan kadib Barlamanka ayaa su’aalo ka weydiiyay madaxweyne ku-xigeenka arrimo ku aadan abaaraha iyo qaadashada nidaamka 4.5, kaasoo Xildhibaanadu sheegeen in la qaatay iyadoo aan wax latashi ah laga sameeyay shacabka iyo golaha sharci dajinta Puntland.

Dhisitaanka Maxkamadda Dastuuriga ayey Xildhibaanadu suaalihii kul kululk a waydiiyeen madaxweyne kuxigeen Puntland.

Dhagayso Qudbadihii iyo Suaalihii aadka u aad adkaa ee ay Xildhibaanadu waydiiyeen madaxweyne kuxigeen Puntland.
Qaybta 1aad

Dhagayso Qaybta 2aad

Puntlandes,com

About The Author