Dhagayso: Muqdisho oo Dasduurkii ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay la isaga badbedalayo

April 23 2016  (Puntlandes) Magaalada Muqdisho oo fadhiga u ah DFS ayaa waxaa ka socda Qorshe ay wataan Kooxda Villa Somalia ka talisa ee DAMUL JADIID, taasoo ay Dasduurkii ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay sidii ay doonaan isaga bad bedalayaan iyagoo dantooda gaar ah eegana.

221-4c2

Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Jawaari oo waraysi dheer siiyey Radio Muqdisho ayaa ku sheegay inay diyaariyeen 10 Cutub oo ka tirsan 15ka Cutub ee Dastuurka Jamhuuriadda Federaalka Soomaaliya ay yeelanayso, isagoo intaas kusii daray inay harsan yihiin oo kaliya 4 Cutub oo uu ku sheegay Qaab dhismeedka dawladda waxayna kala yihiin sida uu sheegay:

  1. Qaabka Baarlamaanka Federaaliga
  2. Awoodaha Madaxweynaha
  3. Awoodaha Raysul Wasaaraha & Xukuumadiisa
  4. Nidaamka Garsoorka

Tani waa Qaab dawlad dhexe oo awood balaaran leh ee maaha Federaa ahl, kamana muuqato Qodobada dib loo dhigay wax Federaal Quseeya. Hadaba waa su’aale Xasan iyo Xertiisa DAMUL JADIID ma saana run ka ah mise ………

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay akhristayaasheeda usoo bandhigaysaa Qodobadii 2012dii dib loo dhigay iyadoo inta kale lag Heshiiyey iyoi sababta dib loogu dhigay inay ahayd sugitaanka inay soo dhamaystirmaan Dawladaha Xubnaha ka noqonaya DFS, sawirka hoose ka ahkriso Qodobada la reebay.

221-4c1

Maalin dhawayd oo madaxweyha DFS Xasan Shekh uu ka hadlayey Macad Maraykanka ku yaal wuxuu sheegay 10Cutub oo ah kuwa Besiga oo la kala Koobiyaalayso ayna leedahay dawlad kasta inay diyaariyeen kuwa Masiiriga ama taabanaysa Dawladnida Soomaaliyana ay dib u dhigeen, hadaba Kooxda ka talisa Villa Somalia FEDERAALKII MA BAABI’ISAY?

Halkan ka daawo Khudbadii uu madaxwseyne Xasan ka jeediyey Macadka Nabadda ee Wadanka Maraykanka
Dhagayso Gudpoomiye Jawaari

Puntlandes.com

About The Author