Baarlamaanka Puntland oo meelmariyay Guddiga Doorashada Puntland

24 April 2016 (Puntlandes) Barlamaanka Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku Ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Puntland, guddigaas oo shalay horyimid kalfadhi aan caadi ahayn oo barlamaanka ufurmay.

221-4a4

Ilaa 50 xildhibaan ayaau  codeeyey ansixinta Guddiga, waxaana ka aamusay oo aan codkooda dhiiban labo mudane, sidaasina waxay ku noqotay in guddiga hadda laga bilaabo uu haysto Xasaanada Baarlamaanka Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa kalfadhiga soo xiray, isagoo u hamabalyeeyay Guddiga Doorashada islamarkaana wuxuu kula dardaarmay inay waajibaadkooda kasoo baxaan islamarkaana ay dardar geliyaan shaqooyinka culus ee horyaala.

Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa Baarlamaanka uga mahad celiyay ansixintooda, iyagoo balanqaaday inay kasoo bixidoonaan waajibaadkooda qaran.

About The Author