Dhageyso: Galmudug oo ka hadashay Dagaalka Dacdheer sheegtayna in Ciidamada Itoobiya 15km gudaha Somalia
24 April 2016 (Puntlandes) Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay qeyb qaadanayaan dagaalka ka socda Daacdheer.
Wasiir Ku xigeenka cadaalada galmudug Maxamuud Guure Guuleed oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in ciidamada Liyuu Boolis ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay gudaha usoo galeen Soomaaliya masaafo dhan 15Km
Wasiirka oo u Hanjabaya dawlada Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in aysan indhaha ka qarsaneynin dhibaatooyinka ay Ciidamada Itoobiya ku hayaan shacabka Galmudug ee ku nool Deegaano dhaca waqooyiga Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.
Dhagayso Wasiir Ku xigeenka cadaalada
Puntlandes.com