Sawirro: Saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya oo tababar loogu diray Talyaaniga
24 April 2016 (Puntlandes) Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Shalay tababar loogu qaaday dalka Talyaaniga, si ay halkaasi ugu qaataan tababaro la xiriitra Hogaaminta.
Saraakiisha tababbarka loogu qaaday dalka talyaaniga oo tiradoodu gaareyso 30 Sargaal, waxa Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku sii sagootiyay Taliyaha Ciidanka Booliska DFS Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Booliska DFS.
Saraakiisha tababbarka loo qaaday oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in 25-sano kadib ay tababbar u aadaan dalka Talyaaniga.
Saraakiisha ayaa hadalkooda intaas ku daray “Aad baan ugu faraxsanahay safarka aan ugu baxeyno dalka Talyaaniga oo ah mid aqoon kororsi ah, oo aan fileyno inaan ka soo faa’iidi doono wax badan, runtii tan iyo markii uu yimid Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud”.
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga fursadda ay saraakiishan u siisay inay aqoon kororsi ku soo qaataan magaalada Roma, waxaana uu kula dar daarmay saraakiisha inay ka faa’iideystaan fursadda ay heystaan oo waxyaabaha ay soo bartaanna ugu adeegaan bulshadooda.
“Waxaa sharaf noo ah inaan sagootino saraakiisha sare ee ciidanka booliska oo muddo tababbar ku soo qaadan doono magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga, arritan waxa ay ka dambeysay booqashadii aan ku tegay bishii hore dalka Talyaaniga oo aan kula soo kulmay dhigeyga” ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska oo hadalkiisa ku daray in tani ay qeyb ka tahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadda ay leeyihiin ciidanka booliska.
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa dadaal ugu jira sidii ciidanka booliska looga dhisi lahaa aqoontooda iyo xirfadaha kale ee ay leeyihiin.