Sawirro: Maamulka Gobolka Sh/Dhexe oo Kormeeray Keli waraab dib loo dayactirayo
24 April 2016 (Puntlandes) Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wada dib u dayactir lagu sameeynayo qaar ka mid ah Keliyada Waraabka ee Degmada Jowhar.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdullaahi “Guudlaawe” oo uu wehliyo gudoomiyaha degmada Jowhar ayaa kormeeray Keliga Faanoole oo hadda dayactir ay ku wadaan maamulka iyo bulshada oo is kaashanaya.
Mudane Guudlaawe ayaa ka dalbaday wasaaradda Beeraha iney garab istaagto beeraleyda isagoo tilmaamay in maamulka iyo bulshada gobolku ay iska kaashanayaan ka hortagga fatahaadda wabiga Shabeelle.
Gudoomiye Guudlaawe ayaa intii uu kormeerka waday waxaa uu la kulmay dadweynaha ku nool xaafadda horseed ee degmada Jowhar isago kula dardaarmay iney gacan buuxda ka geeystaan dib u dayactirka Keligaasi.
C/qaadir Cabdulle Buurfuule gudoomiyaha degmada Jowhar ayaa ku boorriyay bulshada ku nool degmadaasi iney maamulka kala shaqeeyaan sare u qaadidda nadaafada magaalada Jowhar.
Wuxuu intaasi ku daray in maamulku uu diyaar garoow ugu jiro sidii looga hortagi lahaa fatahaad uu sameeyo wabiga Shabeelle.