Sawiro: Dudun oo Iskuulkii u horeeyey laga dhagax dhigay
24 April 2016 (Puntlandes) Waxaa 22kii April 2016 gaaray Tuulada Dudun oo ku dhow magaalada Bursaalax Wafdi balaaran oo iskugu jira Odoyaasha Deegaanka oo ay kamid yihiin Huruuse xaash, Kilwe Maxamed Adan, Axmed Xirsi Faarax, Cabdixakim Axmed Samatar, Agaasimaha Mashruuca Horumarinta Bursaalax, Bahda Caafimaadka Mashruuca Horumarinta Bursaalax iyo Dhalinyarta Kuleejka Bursaalax qayb kamid ah si ay u Dhagax dhigaan Dugsi Quraanka iyo Maadiga ah oo ay yeelanayso Dudun.
Dudun ayaa waxay tahay meel Taariikhi ah waxayna baahi aad wayn u qabtay inay hesho Dugsi Caruurta lagu baro Quraamka Kariimka ah iyo Waxbarashada kale iyo Adeeg Caafimaad, waxaa xusid mudan in Dudun ay jogaan Caruur aad u fara badan oo u baahan Xaqna u leh inay helaan mustaqbal ka Iftiin badan kay maanta ku sugan yihiin.
Dhismaha Iskuulkan ayaa waxaa gacanta ku haya Guddi hawshaas Dudun ka fulinaya. iyadoo ay wafdigu ku wareejiyeen agabkii ay wadeen ee lagu dhisi lahaa Iskuulka ay Dudun yeelaynso markii ugu Horaysay Taariikhda.
Bulshadii Reer Dudun iyo dhammaan kasoo qaybgalayaashiiba waxay u mahadceliyeen una duceeyeen Cabdirisaq Maxamed Sugulle oo qayb lixaad leh ka qaatay Taabagelinta Dhismaha Iskuulkan Cusub ee ay Dudun yeelanayso.
Dhanka kale Bulshadii Reer Dudun waxay u mahadceliyeen Barnaamijka Horumarinta Bulshada Bursaalax isku xirka ay wadaan sidoo kale dhakhaatiir ta loo keenay reer Dudun ee dabiibaya intay socotay dhagax dhigga.
Waa markii ugu horaysay oo Mashruuca Horumarinta Bursaalax uu ka fuliyo ama ka qayb qaato Barnaamij Horumarineed ee ka hirgala Degaanada Hoos yimaada ama u dhow magaalada Bursaalax, waxaana si wayn usoo dhaweeyey arintan Shacabka ku nool Degaanadaas iyo waliba dadka Taageera Mashruuca Horumarinta Bursaalax ee ku nool Gudaha iyo Dibadaba.
Sawiro