Sawirro: Kulan looga hadlayay Amniga Gobolka Banaadir oo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ka qeyb galay
24 April 2016 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka DFS Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan gaar ah looga hadlayay ammaanka iyo horumarinta Adeegyada Bulshada ee Gobolka Banaadir, iyadoo kulankan ay ka qeyb galeen Guddoomiye kuxigeenkada Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo Agaasimayaasha dowladda Hoose.
Kulankan oo ka dhacay Aqalka dowladda Hoose ayaa looga hadlayay arrimaha amniga, nadaafada, bilicda iyo horumarka, iyadoo si gaar ah Wasiirka ugala hadlay Mas’uuliyiinta Gobolka arrimaha adeegyada aas aasiga ee bulshada iyo sida lagama maarmaan u tahay.