DFS: Wasiirkii Boostada & Isgaarsiinta oo cayriyey & mid cusubna loo magacaabay

25 April 2016 (Puntlandes) Raysul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, ayaa xilka qaadis ku sameeyey wasiirkii wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta ee DFS Guuleed Xuseen Qaasim, iyadoo xilkaas loo magacaabay Maxamed Jaamac Mursal oo noqday wasiirka cusub ee wasaaradda boosatada iyo isgaarsiinta.

217-8l

Wareegto ka  soo baxday xafiiska Raysul wasaaraha dalka ayaa lagu yiri; markii uu arkay qodobka 97 faraqadiis 1aad , 2aad iyo 3 aad ee dastuurka (KMG) jamhuuriyadda federaalka.

Markii uu arkay; xeer madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka oo lambarkeeddu yahay 72, kuna taarikheysan 17/12/2014 kuna saabsaneyd magacaabisteyda Raysul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Markii uu arkay ; baahida loo qabo tayeynta joogtada ah ee golaha wasiirada ayuu go’aansaday in uu sameeyo magacaabis iyo xil ka qaadis.

Wasiirka cusub ayaa ah Wasiir ay aad isugu dhow yihiin dawlada Itoobiya, waxaana Quburada Faalaysa Arimaha Soomaaliya ay ku tilmaameen Talaabo ay Kooxda Xasan Sheekh ee DAMUL JADIID ay ku doonayso inay kasbato Taageerada Itoobiya.

Puntlandescom

 

About The Author