Daawo-Dhegeyso: Wasiirka Amniga Puntland oo Beeniyey ku Lug lahaanshaha Dalaalka Dacdheer Digniin adagna u diray laamaha Amniga
25 April 2016 (Puntlandes) Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Garoowe ayaa Beeniyey inay wax lug ah Puntland ku lahayd dagaalkii dhawaan ka dhacay Daacdheer, dagaalkaas oo dhex maray Ciidamada DDSIee Liyuu Boolis iyo Maleeshiyaad taabacsan Maamulka Galmudug.
Wasiir Qarjab ayaa sheegay inuu Maamulka Galmudug si aan ka fiirsasho lahayn ugu eedeeyey Dawlada Puntland inay ku lug lahayd dagaalkii halkaas ka dhacay, wuxuuna tilmaamay inuusan sinaba u khusayn karin dagaalka ka dhacay Daac-dheer maadama aysan ahayn dhulka Puntland, xuduudna la wadaagin degaankaas.
Danka kale Wasiirka ayaa ku dheeraaday ka hadalka shirciyo ay soo saareen oo ay fulin waayeen laamaha amaanku.
Wasaaraddaha Amniga iyo arimaha gudaha ayaa dhawaan soo saaray amaro lagu mamnuucayo wareejiyayaasha iyo itoobiyaanka gaari gacanada alaabta ku wareejiyah ee loo yaqaano badal badal sharciyadaas oo uu wasiirku sheegay inaysan fulin.
Wasiirka amniga ayaa si kulul uga hadlay laamaha amaanka oo uu sheegay inay gudan waayeen shaqadii loo igmaday waxaana uu sheegay in hada wixii ka danbeeya lagu dabagali doono cidii sharciga fulin waydana xilka laga xayuubin doono
”Qoraal baan waxaan kasoo saarney dadka wareejiyaasha ah wasaradda amniga iyo wasaradda arrimaha gudaha ayaa soo saartay, anigoo gurigayga kasoo baxaya oo aan xafiiska tagina yaa waxaa iigu soo horeeyay wareejiyaha Bedel bedel, waxaan lee nahay qof kasta shaqada uu lee yahay waa lagu dabo galayaa”
Dhagaysio Wasiirka
Puntlandes.com