Dhagayso: Midowga Yurub oo sharxay sababaha ay u dhimeen 20% mushaarka Ciidamada AMISOM
27 April 2016 (Puntlandes) Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone ayaa ka hadlay sababaha Ciidamada AMISOM ay uga jareen 20% mushaarkii ay siin jireen.
Michele ayaa sheegay in horay ugu wargeliyeen Taliska AMISOM inay dhimayaan mushaarka ay qaataan Ciidamada AMISOM, isagoo xusay in lacagaha ay ku taageeraan Ciidamada AMISOM ay meelo kale u weecinayaan.
Wakiilka Midowga Yurub oo la hadlay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa waxaa uu sheegay inay Midowga Yurub uu yahay taageeraha ugu weyn AMISOM, isla markaana sanad walba ku bixiyaan howl galka AMISOM $200 oo million oo dollar.
Dhanka kale Michele ayaa isagoo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho, ayuu waxa uu sheegay in qarash dhimistu aysan ka dhigneyn in la dayacayo howsha muhiimka ah ee ay Amisom ka waddo Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in la dhiso Ciidamada Soomaaliya, isagoo ka digay in aan si qaldan loo fasirin sababaha ay u dhimeen mushaarkii Ciidamada AMISOM.
Askariga AMISOM ayaa Mushahaar ahaan u qaadan doona $828, iyadoo dalkiisa ay ka goosaneyso $200, halka uu horay u qaadan jiray $1,000.
Ciidamada AMISOM oo kor u dhaafaya 22000 ayaa horay loogu eedeeyay in aanay wali wax horumar ah ka sameyn dagaalka Al-Shabaab, marka loo eego 10-sano oo ay joogeen Soomaaliya.
Dhagayso Warbixin
Puntlandes.com