Daawo Video: Qaar ka mida Madaxdii Khaatumo oo Buuhoodle Warbaahinta Kula Hadlay & Prof Galayr oo dadwayne caraysani Hotelka ku weerareen

27 April 2016 (Puntlandes)  Dadweyne si wayn u careysan ayaa saaka Hoteelka uu ka deganaa Buuhoodle Prof Cali Khaliif Galyr ku Weeraray, iyagoo ka dalbanayey inuu isaga baxo magaalada.

213-7a

Ma jirin wax khasaare ah oo uu sababay weerarkaas, iyadoo rasaas lagu furay hoteelka uu Prof Galayr ka deggenaa magaalda Buuhoodle.

Dhanka kale Magaalada Buuhoodle Waxaa Maanta Shir jaraa’id ku ku Qabtay qaar ka tirsan Maamulka Khaatumo ee Prof Galayr uu madxda ka yahay, kuwaasi Cambaareeyey hadal Shalay ka soo Yeeshay Saraakiisha Ciidanka Buuhoodle.

Saraakiisha Ciidanka Buuhoodle ayaa shalay si cad u sheegay inuu magaalda Buuhoodle sida ugu dhaqsaha badan uu uga baxo Prof Galayr, iyagoo ku eedeeyey inuu wado Qorshe uu Somaliland gacanta ugu geloinayo Buuhoodle.

Puntlandes.com

About The Author