Daawo sawirada Saraakiishii Puntland ee Tabarka u aaday Talyaniga & Calanka Somalia oo 25 sano kadib laga taagay..
27 April 2016 (Puntlandes) Calanka Soomaaliya ayaa waxaa laga saaray Scuola Ufficiali Carabinieri 25 sano kadib, kadib markii ay Saraakiil sare oo ka mida Booliiska DFS iyo dawlad Goboleedyada ay Tababar Hogaaminta ah u tageen halkaas.
Laba Sargaal oo Sare oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Puntland ayaa waxay ka yihiin Saraakiishaas qaadanaya tababarka la xiriira Hogaaminka Ciidanka Booliiska.
Laba Sargaal ayaa waxay kala yihiin Taliyaha Tababarada iyo Xiriirka Dibada ee Booliska Puntland Col. Maxamed cabdi iyo Col Cismaan Cabdi (Maneeno) Yusuf Dhuux oo ka mida Saraakiisha Hogaanka Dambi Baarista Puntland.