Madaxweyne Gaas oo ku wajahan Bosaso Jimcaha Berri ah
28 April 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdiga uu hogaaminayey ee iminka ku sugan dalka Sacuudiga ayaa la filayaa inay gaaraan magalada Bosaso xarunta gobolka Bari Jimcaha beeri ah.
Imaanshaha Gaas ee Bosaso ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhawaan lagu qaban doono magaaladaasi munaasabad lagu daah furayo wajiga labaad ee mashruuca lagu dhisayo Garoonka Diyaraadaha ee Bosaso.
Munasaabaddan ayaa waxaa lagu wadaa inay qabsoomi doonto horaanta bisha soo socota iyadoo ay kasoo qayb gali doonaan mas’uuliyiin kasocda dalal taageerada ka gaysanaya dhammaytirka dhismaha madaarka Bosaso.
Dhaqaalaha ku baxaya dhamesytirka Garoonka Bosaso ayaa waxaa kharashkiisa bixinaya dowlada Talyaaniga iyadoo lacagtaas lasoo marinayo urur goboleedka IGAD.
Puntlandes.com