Dhagayso: Midawga Africa oo ka fiirsanaya sii Joogitaanka AMISOM ee Somalia

28 April 2016 (Puntlandes) Sida lagu sheegay Warbixin lagu qoray bogga wakaaladda wararka Anadoliya ee dalka Turkiga laga leeyahay ayaa lagu sheegay in madaxda midawga Africa ay ka fekerayaan sii socoshada hawlgalka ciidamada Midawga Africa ee AMISOM ka wadaan dalka Soomaaliya.
221-9

Warbixntaan ayaa waxaa lagu sheegay in lixdii bilood ee lasoo dhaafay ay culeysyo badan la kulmeen ciidamada AMISOM kuwaasoo dhinacyo kala duwan kaga imaanayay.

AMISOM ayaa waxaa lagaga dilay Soomaaliya  boqolaa Askari weeraro ay Alshaabaab ku qaaday goobo kala duwan oo Soomaamiya ah.

Qasaaraha badan ee AMISOM ayaa waxa uu keenay in dawladaha soo diray Ciidama ay Shacabkoodu su’aalo badan ka weydiiyo sida ay suurto gal ku tahay inuu sii socdo hawlgalka ayaa lagu yiri warbixinta lagu qoray maanta wakaaladda Anadoliya.

Muwanga Kivumbi oo ka tirsan Baarlamaanka Uganda ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ka taagan aan awood Ciidan kaliya lagu xalin karin Ciidamadoodana  culays ku qabaan hawlgalka AMISOM.

“Ciidamo ajanabi ah nabad kama dhalin karaan wadan siyaasad ahaan u kacsan waana taas tan aan u leeyahay xalka Soomaaliya awood ciidan oo kaliya uma bahna” ayuu yiri Muwanga Kivumbi oo baarlamaanka Uganda ka tirsan.

Dhagayso warbixin uu Radio Kulmiye ka diyaariyey

Puntlandes.com

About The Author