Sawiro: Wafdiyadii Jubaland iyo Galmudug oo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Jigjiga
1 May 2016 (Puntlandes) Waxaa xalay magaalada Jigjiga ee caasimada DDSI ka dhacday Xaflad balaaran oo lagu soo dhaweynayey madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed, wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta DFS iyo xubnihii kale ee kamid ahaa wadfiga labada maamul goboleeda.
Xafladan oo ahayd mid xukumada DDSI ay ku soo dhaweysay wafdiyada ka kala yimid Jubaland iyo Galmudug ayaa waxaa furay madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn wafdiyada maamul goboleedyada Jubaland iyo Galmudug munaasabada ku soo dhaweeyay kadibna ka hadlay amniga isagoo ku booriyay in lala dagaalka Alshabaab.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in ka xukumad ahaan ay diyaar uyihiin heshiiska shacabka walaalaha ah ee ku kala nool labada dhinac ee xuduuda.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo madaxweynaha Galmdug Cabdikariin Guuleed ayaa iyaguna madasha ka hadlay waxayna khudbadahoodii ku xuseen inay uriyaaqeen nabadda iyo xasiloonida kajirta dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya.
Masuuliyiintii kale ee madasha ka hadashay waxaa kamid ahaa wasiirka cusub ee boostada iyo isgaadhsiiinta SDowlada Somalia Maxamed jaamac Mursal(Geelle).Hoos ka daawo sawirada
Puntlandes.com