Sawirro: Madaxweynaha DFS oo maanta ubax dhigay taallada Daljirka Dahsoon

1 July 2016 (puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa munaasabadda 1da Lulyo awgeed ubax dhigay taallada Daljirka Dahsoon, isagoo halkaasi kul;a hadlay dadweyne farabadan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa ummadda Soomaaliyeed mar kale ugu hambalyeeyay munaasabadda 56 guurada ka soo wareegtay markii uu dalkeenna madaxbanaanida ka qaatay gumeystihii talyaaniga, isagoo ka hadlay taariikhda halgankii dheeraa ee loo soo galay madax bannaanida dalkeena.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ku boorriyay odayaasha dhaqanka ee soo xulidoona xildhibaannada baarlamanka iney xaqiijiyaan qoondada haweenka ee ah Soddon Boqolkiiba, isagoo tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin wax ku ool ah ka soo qaateen halgankii gobanimaddoonka islamarkaana ay sidoo kale ay hormuud u yihiin nolosha qoysaska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ummadda Soomaaliyeed kula taliyay in ay gacan ka geystaan ammaanka dalka ayna ciidamada kala shaqeeyaan ka hortagga maleeshiyaadka argagixisada ah ee Shabaab, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Shabaab laga adkaan doono haddii ay bulshadu usoo jeesato iney ciidamada kala shaqeeyaan sugidda amniga dalka.

IMG_3786IMG_3909IMG_3961IMG_4038IMG_4070IMG_4077IMG_4105IMG_4147IMG_4206IMG_4222vlcsnap-2016-07-01-11h46m12s36

IMG_3786IMG_3837IMG_3864IMG_3909IMG_3961IMG_4031IMG_4038IMG_4070IMG_4077IMG_4081IMG_4105IMG_4120IMG_4130IMG_4138IMG_4139IMG_4145IMG_4147IMG_4154IMG_4161IMG_4202IMG_4206IMG_4222

Puntlandes.com

About The Author