Sawiro: Xerada Ciidanka Booliska Talyaniga oo ay Tababar u joogaan Sakiil Booliska Somalia ka tirsan oo Calanka Somalia laga saaray
1 July 2016 (Puntlandes) Waxaa saakay calanka Soomaaliya laga saarnay Xerada Ciidanka Booliska Talyaniga (scuola ufficiali carabinieri), oo ay Tababar u joogaan Sakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya Calanka Soomaaliya.
Munaasabada oo si heer sare ah u dhacday ayaa waxaa Soo agaasimay Ciidankii ay martida u ahayeen saraakiisha ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Col Osman Abdi Yusuf oo ka mid ah Saraalkiisha Booliska ee tababarka u jooga halkaas ayaa waxa uu barta uu ku leeyahay Facebook ga soo dhigay qoraal uu ku cabirayo dareenkiisa wuxuuna u qornaa sidatan ”waa farxad taariikhi ah, waana wax lagu farxo, ilaahay waxaan ka baryeynaa sanadkan sanadkiisa in aan ku gaaro midnimo, nabad, wanaag ka fiican kan haysano. Amiin yaa allaah”
Puntlandes.com