Faallo: Gurmadkii Puntland Qore: Abshir Xaaji Abdulaahi (Abshir Dhiirane)

Faalladani waxay ku saabsan tahay xooraanta haysa dadka qaar

Waxaa jira dad badanoo isweydiinaya su’aasha ah „Sidee baa wax u jiraan ? daawadaan u baahan nahay, sidaan u qaadan lahayn iyo arrimo kaloo aanan ka hor degeyn.

Ma gafe waa Illaah.

Wixii ka yimaada Faalladan – shar iyo khayrba – aniga keliya ayaa ka mas’uul ah ee taa halla ogaado…Rooxaantaydu shaqo kuma laha ee yaan lugu dambaabin!!!( Kaftandhable!!)

Ugu dambaystii, waxaan akhristayaasha xusuusinayaa, in Faalladu ku salaysan yahay maahmaahdii ahayd „Haddii fooli timaado…Hee…..“. Haddaba Adigu isweydii!!!!
***************************************************
Markaan xaalkeenna u kuur galaba, waxaa igu soo dhacda maahmaahdii ahayd ”Dab baa dambas dhala!”. Intaas waxaad hadba maqlaysaa qof Puntlander ah oo leh „Puntland waa u dhammaatay!“. Dadkaasi illaa xad waa gar daran yihiin, sababtoo ah, mindhaa waxaa u muuqtay waxyaalo ula ekaaday tiirarka salka u ah qowmiyadaha dunida kasii tirtirmaya.

Puntland-neey! Maxaynu ahaan jirnay ama lahaan jirnay ? Aawey raggeenii, dumarkeenii, carruurteenii, taariikhdeenii, geesinimadeenii, garaadkeenii, aqoonteenii, kartideenii, firfircoonideenii iyo….iyo….

Subxaana Allee, maxaa saatan loogu hadlayaa? Ma wax dhici karaa inaan 17 sano ka dib noqono dambas . Runtii waa arrin weli iga degi la’. Waxaan maqli jiray “Jeer la gowraco WANKA, Indhihiisu ma arkaan CIRKA”.

Annagoo wada rafaadsan oo dhabarka dhulka ku wada hayna,baynu haddana arki kari weyney cirka iyo xiddigaha. Ma mooddaa in wanku xoogaa na dhaamo!! Maya nama dhaamo!

Malaha wax kalaa jira! Mise waxba ma jiraanoo waxaa ii muuqday (dhalanteed ama wirwir)! Malaha si kalaa wax u jiraan! Mise shisheeyaa noo showray! Mayee maskaxdii baa naga kabuubyootay!

Mise qaar ka mid ah sifooyinkii Adduun gadoonka (Maalinta qofi ka cararo min akhiihi….) ayaa xaggeenna ka bilawday! Mise! Mise! Mise!

227-1b3

Akhristow, yaan hab-qoraalkeygu dareen ku geline. Hays oran ‘Malaha Abshir #‎Dhiirane buufis baa haya!’ Runtii wax buufis ka weyn baa i hayoo aan la soo burqanayaa! Eebbow akhristaha u sahal garashada nuxurka iyo hadafka #‎Faallada…Aamiin….Aaamiin…Aaamiin…

Nin baa beri u tegey takhtar ah kuwa ku takhasusay maskaxda. Dhibaato haysay ayuu takhtarkii u sheegay:

“Takhtarow,mar Alla markaan sariirtayda jiifsado, ayaan hoosteeda ka maqlaa sharqan iyo dhaqdhaqaaq. Markaan soo kacoo sariirta hoosteeda seexdana, korkeedaan sharqan ka maqlaa oo waxaan is iraahdaa qof baa sariirta ku jiifa!”

Takhtarkii wuxuu ninkii u bilaabay daaweyn isugu jirtay talooyin siin iyo daawooyin. Muddo dheer ayaa daaweyntu socotay oo ninka kharash badani ka baxay.

Ninkii baa joojiyay daawadii iyo inuu takhtarkii u tago.muddo keddib, ayaa takhtarkii iyo ninkii si kedis ah magaalada isugu arkeen.

Takhtarkii:”War xaggee ka baxday, sow daawo kuuma socon?”
Ninkii:” Takhtar, waan biskooday”

Takhtarkii:”Muxuu yahay biskoodka aad ka hadlaysid,daawadiiba kalabar ma joogtee!”
Ninkii:”Runtii waan biskooday

Nin aan saaxiib ahayn baa dhibaatadii i haysay u sheegay, markaas buu inta uu guriga iigu yimid, sariirtii lugaha ka jaray!!! ka dibna Xuf baan iri”

Sidii isbedelku u dhacayba waxaa jiray isku deyo fara badan oo hadafkoodu wada ahaa, .. Cadkanoow ku cunay ama ku ciideeyay

Arrin kastoo laysku dayey, dhanka shacabka qorax joogta micnaha shacabka gudaha ku nool ee aan qurbaha jirin bey ka socon weyday.

Qorax joogta sidii baw weli wax loogu yeeriyaa, iyaguna sidii bay weli ugu hammiyaan mucaaradnimo aan waxba kasoo bixeynin !

Caamadu sidii bay weli shaah u wada cabbayaan, iyagoo midba midka kale uusan arki karin, una haysta shar iyo belo layska ilaaliyo!!

Culimadu sidii bay weli noogu shubayaan waano iyo wacdi,welina waannu ka oomannahay…

Jaamiciintu sidii bay weli u wadaan dood cilmiyeedyo…. Ismana fahmaan, lamana fahmo!!!! Mid waliba wuxuu la kuf-kacayaa mashruucyo ku salaysan waaya-aragnimo la’aan iyo indha-adaygnimo !!!!! Toloow!! Xaggee baa adduunka saarkan oo kale laga cayaaraa???!!! Bisinka! Bisinka!

Armaysan arrintu sidaan ahayn ee si kale wax naga yihiin?
Allaylehe, haddaan gartay…

Si kalaa wax naga yihiin!
Si sidee ah?
Sidatan soo socota:

227-1b3

Qore:- Abshir Xaaji Abdulaahi
Abshir Dhiirane

Email:-acfaroole@gmail.com

LA SOCO QEYBTA 2AAD FAALLADA

 Daabacaadii: Puntlandes.com

About The Author