Maalinta berri ah oo noqonaysa maalintii u dambaysay bisha Ramadaan
4 July 2016 (Puntlandes) Maxkamadda Sare ee dalka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in ay berry tahay Ramadaan maadaama aan la arkin bisha Shawaal inay dhalatay.
Inta badan dalalka Muslimiinta ayaa sheegay in maalinta berri oo Talaado ah ay tahay maalinta 30aad ee bisha barakeysan ee Ramadaan.
Maalinta Arbacada ayaa noqonaysa maalin Ciid ah oo aanay wax shaki ah ku jirin maadaama la soomayo 30 maalmoofd.
Dawlada Puntland Puntland oo shaacisay inay maalinta Berri ah tahay Ramadaan
Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Diinta Puntland Saalax xabiib Jaamac ayaa sheegay inay Berri tahay maalintii u dambaysay ee Bisha Barakaysay ee ramadaan.
Dhanka kale DFS ayaa iyana sheegtay in maalinta berri oo Talaado ah ay tahay Ramadaan, isla markaana maalinta Arbacada ay tahay maalin ciid ah.
Puntlandes.com