Dhegeyso: Qaylodhaanta Yacquub Maxmaed C/dalle Ma runbaa? Mise waa…?

5 July 2016 (Puntlandes) Ku Xigeenkii Hore Duqa Degamada Gaalkacyo Yacquub Maxamed Cabdalla kana Mid ahaa Xildhibaanadda Gollahii Deegaanka Degmada Gaalkacyo ee Shalay uu kala diray Madaxweynaha dawlada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id maanta ku qabtey Magaalada Garowe ayaa ka qayliyey Isabadalka uu Gobolka ka sameeyey madaxweynuhu.

227-4a2

Yacquub ayaa yri ”Madaxweynuhu wuxuu  qaybtii kala dul dhacay Kafadaha midkood, wuxuu madaxweynuhu dadka tusay ama baray qofka uu yahay Cabdiwali Cali Gaas”

Yacquub intaas kuma ekaanine wuxuu ku hanjabay inay soo noqon karto dagaalkii ay beeshiisu ka riday magaalada Gaalkacyo 2011kii, markaas oo ay dalka ka talinaysay Xukuumadii Cabdiraxmaan faroole.

Yacquub wuxuu kaloo si layaab leh oo aan gabasho lahayn uu farta ku goday Beesha uu ka soo jeedo ee Leelkase oo wuxuu muujiyey tuhun ah ku luglahaanshaha Amni darada Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo.

Waxa shacabka reer Mudug ku noqonay hadalka Yacquub mid la yaab ah, waxa uu ka hadlayo iyo Xaqdarada uu ka sheeganayo oo uu Madaxweyne Gaas u ku samaeeyay Maamulka Gobalka Mudug iyo Taliska Qaybta Booliska.

Yacquub ayaa yiri mar kale oo uu ka hadlayey magacaabitaankii uu madaxweyne Gaas shalay sameeyey ”…madaxweynaha waa uu xujeeyey raguu Gobolka u magacaabay oo wuxuu ka dhigay Rag wada Afar kala tirsada oo isku Jifo ama beel ay yihiin madaxweynaha..”

Hadaba waa su’aale Bal akhristoow hoos ka eeg qabiilada ay kasoo jeedaan mas’uuliyiintii uu xilka madaxweyne gaas ka qaaday shalay:

  • Gudoomihii Golaha Deegaanka ahaana Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Cabdicasiis Jaamac Nugaal: Reer Mahad/Cumar Maxamuud
  • Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur Yare Maxamed Cumar/Cumar Maxamuud
  • Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Gobalka Mudug Farxaan Cali Xaad: Reer Bicidyahan
  • Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Mudug Cabdulaahi Shire Dool: Leelkase
  • Taliyaha kuxigeenka qeybta Booliska Gobalka Mudug ahaana Taliyihii Birmadka Gobolka Cabdirishiid Xasan Xaashi (Gabi-Gabi): Reer Mahad/Cumar Maxamuud

Akhristoow akhriso Qabiilooyinka ay soo jeedaan Mas’uuliyiinta Cusubna ee uu shalay madaxweynuhu magacaabay:

  • Gudoomiyaha KMG ah ee Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumey: Reer Mahad/Cumar Maxamuud.
  • Gudoomiye ku xigeenka koowaad Gobolka Mudug: Maxamuud Jaamac Xirsi: Reer Bicidyahan
  • Gudoomiye ku xigeenka labaad Gobolka Mudug: Maxamuud Ciise Warsame: Leelkase
  • Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug Gaashaanle dhexe Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame: Maxamed Cumar/Cumar Maxamuud
  • Talye xigeenka Booliska Gobolka Mudug Gaashaanle Cabdiqaadir Axmed Cumar: Awrtable

Waa su’aal kale ma cadaalad buu sameeyey madaxweyne Gaas mise sida uu ku doodayo Yacquum ayuu afar ay isku Jifo hoose yihiin xilal u magacaabay? Imisa ayaa Cumar Maxamuud ahayd mas’uuliyiintii xilka uu ka qaaday madaxweyne Gaas imisa ayaana Cumar Maxamuud ah mas’uuliyiinta cusub ee uu madaxweyne Gaas magacaabay shalay?

Beesha Yacquub ma waxaysan xaq u lahayn ayey Xaq u taqaanaa sida Soomaaliya guud ahaan la degtay. Hadaynu Deegaan Mudug ka hadalno Beeshiisu waxay degaan magaalada Galdogob oo kaliya, dhulka ay xukuntana hal Tuulo oo ka mid ah ma degto!!!!

Maxay tahay hanjabaada Yacquub mase la oran karaa waxaa ka qaylisiinaysa in Alshabaab iyo waxa taageera ay godkooda biyo ugu soo galeen oo la iska qabanayo dhawaan?

Dhagayso Qayladhaanta Yacquub


Puntlandes.com

About The Author