Falanqaynta Puntlandes: Gobolka Mudug oo Cagta saaray wadadii dawladnimo ka hanaqaada!!

5 July 2016 (Puntlandes) Madaxweynha dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo tan iyo markuu xilka madaxtinimada Puntland la wareegay, bilowgii sanadkii 2014kii, dadaal xoog leh u galay sidii uu dhidibada ugu taagi lahaa dawladnimo rasmi ah oo ka hanaqaada Gobolka Mudug oo ay ku hareeraysnaayeen daruufo kala duwan ayaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 4tii July 2016ka waxa uu xilalkii ka qaaday kuwo cusubna u magacaabay dhamaan xilalka mas’uuliyiin ugu muhiimsan Gobolka marka laga reebo Gudoomiyaha Gobolka.

226-c7

Mas’uuliyiinta xilalkoodii waayey waxay kala yihiin:

  • Gudoomihii Golaha Deegaanka ahaana Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Cabdicasiis Jaamac Nugaal
  • Golihii Deegaanka wuu kala diray madaxweynuhu iyadoo uu amray in 7 Cisho gudohood lagu soo xulo Gole cusub.
  • Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur Yare
    Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Gobalka Mudug Farxaan Cali Xaad
  • Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Mudug Cabdulaahi Shire Dool
  • Taliyaha kuxigeenka qeybta Booliska Gobalka Mudug ahaana Taliyihii Birmadka Gobolka Cabdirishiid Xasan Xaashi (Gabi-Gabi)

Mas’uuliyiintan ayaa waxay xilka soo hayeen in muddo ah iyagoo ku fashilmay inay shacabka Gobolka iyo kan Xarunta Gobolka ee Gaalkacyo ay u adeegaan.

Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Cabdicasiis Jaamac Nugaal

227-3

Gudoomihii Golaha Deegaanka ahaana Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Cabdicasiis Jaamac Nugaal ayaa waxa loo doortay xilka April 2014, iyadoo uu maamulkiisu ku keenay magaalada Gaalkacyo Habacsanaantii oo sii balaarata  iyo Musuqmaasuq baahsan.

Gudoomiye Nugaal ayaa waxa uu ka jartay maamulka Gobolka Mudug Miisaniyaddi sugudda Amniga Degmada ee heer Gobol taasoo ahayd 200 miljan So.Sh. ah bishii oo ay Golaha Deegaanka  Gaalkacyo ansixiyeen, waana uu diiday inuu bixiyo  Gudoomiye Nugaal.

Gudoomiye Nugaal ayaa waxa uu Musuqmaasuqay Miisaaniyaddii loo qoondeeyey Maaraynta Masiibooyinka Degmada Gaalkacy, taasoo loo baahday markii Biyaha Roobabku fariisteen magaalada Gaalkacyo iyo Weerarkii ay Alshabaab kusoo qaaday Gobolka.

Gudoomiye Nugaal waxa uu lunsaday Mushahaaradkii Shaqaalaha dawlada hoose ee Gaalkacyo, taasoo sababtay inay Ciidamada dawlad hoose ay xiraan xafiisyada Degmada Gaalkacyo.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saareen badiba Golahii Deegaanka Degmada Gaalkacyo ee uu kala diray madaxweyne Gaas waxay si cad u sheegeen inaysan waxba u qaban Degmada Gaalkayo, isla markaasna waxay cadeeyeen in Miisaaniyaddii Degmada la lunsaday waxayna raali gelin ka siiyeen shacabka Degmada Gaalkacyo.

Gudoomiye Ku Xigeenka Gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur Yare 

227-4a3

Axmed Muuse Nuur Yare (Daba ka riix) wuxuu Xafiiska joogay muddo 5 sano ah, ilaa maantana lama sheegi karo wax uu kusoo kordhiyey Gobolka Mudug, marka laga reebo inuu Saxaafadda ka hadlo isagoona shacabka u sheega warar aan xaqiiq ahayn.  Axmed (Daba ka riix) ayaa bulshada ku dhaqan Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaaliyeed ba waxaysan marnaba iloobaynin hadalkii uu ka sheegay Saxaafadda gaarka loo leeyahay iyo tan dawlada xiligii dagaalkii Gaalkacyo socday, kaasoo uu ku sheegay inay Puntland la wareegtay guud ahaanba magaalada Gaalkacyo, Gaalkacyana ay midowday.

Axmed (Daba ka riix) ayaa intii uu xafiiska joogay waxa uu ka dhigay xafiiska meel uu ku shaqaysto.

Taliyaha kuxigeenka qeybta Booliska Gobalka Mudug ahaana Taliyihii Birmadka Gobolka Cabdirishiid Xasan Xaashi (Gabi-Gabi) 

227-4a4

Cabdirishiid Xasan Xaashi (Gabi-Gabi) waxaa uu xubin firfircaan u ahaa Koox ma naxayaal ah oo Gobolka Mudug haystay mudo aad u dheer oo kasoo bilaamanaysa markii dhidibada loo taagay Puntland.

Gabi-Gabi oo la hadlayey saxaafadda maxaliga ah ayaa waxa uu qirtay inuu ku fashilmay Sugidda Amniga ee Gobolka Mudug gaar ahaan Degmada Gaalkaco.

Waxaa ka mid ahaa Amaradii Guracnaa ee Gabi-Gabi soo saaray markii uu ku dhawaaqay in Shacabka kasoo jeeda Gobolada Baay iyo bakool laga saaro Gobolka Mudug.

 

Mas’uuliyiinta cusub ee xilalka loo magacaaby waxay kala yihiin:

  • Gudoomiyaha KMG ah ee Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumey /Reer Mahad/Cumar Maxamuud.
  • Gudoomiye ku xigeenka koowaad Gobolka Mudug: Maxamuud Jaamac Xirsi: Reer Bicidyahan
  • Gudoomiye ku xigeenka labaad Gobolka Mudug: Maxamuud Ciise Warsame: Leelkase
  • Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug Gaashaanle dhexe Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame: Maxamed Cumar/Cumar Maxamuud
  • Talye xigeenka Booliska Gobolka Mudug Gaashaanle Cabdiqaadir Axmed Cumar: Awrtable

Mas’uuliyiintan ayaa sida ay Warbahaahinta Puntlandes ogaatay waxay waajibkooda shaqo u gudanayaan sida Sharcigu qabo, iyagoo ay kuwii hore caan ku ahaayeen inaysan ku shaqayn sida Sharcigu qabo.
Muxuu kaloo madaxweyne Gaas ka qabanayaa Amniga Gobolka Mudug?

Inta madaxweyne Gaas iyo wafdiga balaaran ee uu hogaaminayo ay ku sugan yihiin Magaalda Gaalkacyo oo ah maalmo kooban ayaa waxaa u qorshaysan sida ay XOG ku heshay Warbahaahinta Puntlandes:

  • Dhisidda Ciidan Amni oo si fiican u qalabaysan oo ay Gaalkacyo yeelayo, kaasoo hoos taga Qaybta Booliska Gobolka Amarkana uu yeelanayo Gudoomiyaha Gobolka Mudug.
  • Dhismaha Ciidan Amni oo Dhar cad ah
  • Kicinta iyo abaabulida Shacabka Gobolka si ay ula shaqeeyaan Mas’uuliyiintooda iyo sugida Amniga
  • Dhisme Guddi Amni oo Shaqeeya

Gaas Iyo Gobolka Mudug

227-3a1

Laga soo bilaabo markuu xilka la wareegay Madaxweyne Gaas wuxuu Degmada Gaalkacyo ka hirgeliyey mashaariic waawayn oo lama ilaawaan ah, iyadoo ay madaxweynayaashii ka horeeyey ay Gaalkacyo ka dal-dalan jireen talaagado ay ka buuxaan Lacagta Caruur ahaanta uga soo xaroota Shacabka Gaalkacyo.

Gobolka Mudug gaar ahaan Degmada Gaalkacyo ayeysanba ka jirin nidaam dawladnimo Madaxweyne Gaas horti, iyadoo Guryihii dawlada xoog lagu haysaty Gaas hortiis laakiin uu si qasab ah uga wareejiyey dadkaas.

Dawlada Dr Cabdiwali waxay dib usoo celisay Bilicdii magaalada Gaalkacyo ay lahaan jirtay, kadib markii ay dudumisay Guryihii sida Sharci darada ah looga dhistay Laamiga hareerihiisa, waxay dhisme ku bilowday Madaxtooyo ay markii u horaysay Gaalkacyo yeelato, waxay dayactir ku wadaa dhamaan Guryihii dawladii hore ee Soomaaliya ay lahayd oo ay kala wareegtay  dad haystay ilaa iyo 1991dii.

226-9a7

 

Waxay kaloo dawlada Dr Cabdiwali dhistay wadooyin badan oo Laami ah oo ay Gaalkacyo yeelato markii u horaysay intii ay jirtay.

Dawlada Dr Cabdiwali waxay Gaalkacyo ka taabagelisay Suuqyo waawayn oo ganacsi sida Suuqa Xero Dayax, kuwaas oo sare u qaaday Bilicda magaalada Gaalkacyo.

Abuuridda Santuukha Horumaunta Gobolka Mudug ayaa ka mid ah waxqabadka madaxweyne Gaas ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne Gaas ayaa waxa uu dadaal dheer iyo Xusul duubba u galay sidii loo dhisi lahaa Goroon Diyaaradeed oo Caalami ah oo ay Gaalkacyo yeelato, Dhismaha Deked laga dhiso Garacad oo ay mudo dheer ku taamayeen shacabka Gobolka Mudug iyo Wado Laami ah oo isku xirta Garacad iyo Galdogob (Wadada Wadaagsin), taasoo meel fiican iminka maraysa.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Gaas dadaal xoogan u galay sidii lagu dhisi lahaa Wadada Laamiga ah ee isku xirta Gaalkacyo iyo Garowe, taasoo dhawaan la bilaabi doono.

 

227-4a5Ugu dambayntii waxaa isaga soo daba dhacaya xafiisyada Warbahaahinta Puntlandes Hambyo iyo Bogaadin loo dirayo Madaxweynaha dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali gaas, taasoo ku saabsan waxqabadka iyo isbedelka rasmiga ah ee uu ka wado Gobolka Mudug.

Shacabka Gobolka Mudug dibad iyo Gudaba way la dhacsan yihiin shaqada uu Madaxweyne Gaas ka wado Gobolka Mudug.

Gaalkacyo Puntlandes.com

About The Author