Sawirro: Xarunta Shirkada dalxiiska Puntland Ee Magool oo laga furay magaalada Taariikhiga ah ee Eyl
Shirkadaan ayaa maalintii ciida bilowday safarkii ugu horeeyay oo dalxiisayaal lagu geynayo degmada Eyl, si ay usoo booqdaan goobaha taariikhiga ah ee kuyaala Eyl iyo xeebta badweynta Hindia.
Dalxiiisayaasha waxaa kamid ahaa masuuliyiin dowladda Puntland katirsan, qurbo joog iyo dad kale oo shacab ah oo doonayay waqti nasasho iyo dalxiis ah kusoo qaataan meelo ka baxsan deegaanadooda oo ku wanaagsan dalxiiska.
Tilaabadaan ayaa dhiiri gelinaysa in maalgashi lagu sameysto degmada Eyl iyo deegaanada kale ee ku haboon dalxiiska ee kuyaala dhulka Puntland.
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jamac Tigey oo ah aasaasaha Shirkad Dalxiiska Puntland, taasoo ahayd mid aad loogu baahnaa ayaa sheegay inuu halkudhigoodu yahay, “Ku Dalxiis Dalkaaga, La Dalxiis Dadkaaga”
Puntlandes.com