Raysul Wasaaraha Soomaaliya & kan Itoobiya oo ku kulmay
8 Julys 2016 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa magaalada Adis ababa kula kulmay dhiggiisa dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn.
Raysul wasaaraha Ethiopia ayaa kulanka kaddib sheegay in xukuumaddiisu ay dalka Soomaaliya ka taageerayso sidii dib loogu dhisi lahaa awoodda ciidanka XDS si ay u sugaan ammaanka guud ee dalka.
Sidoo kale Hailemariam ayaa xusay in Ethiopia ay ka go’an tahay inay ka caawiso Soomaaliya wixii ay u baahan yihiin oo ay awoodaan, si dalka iyo ciidamada loogu sameeyo dib u dhis dhameystiran.
“Inkastoo ciidamadeena qaybta ka ah hawl-galka AMISOM ee Soomaalia, ay ka shaqeeyeen sidii Ammaanka loo xoojin lahaa, haddana waxaa lagama maarmaan ah in la dhiso ciidamada Soomaaliya si ay amniga Waddankooda u xaqiijiyaan,” ayuu yiri Hailemariam Desalegn.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cumar C/rashiid oo la hadlay warbaahinta ayaa ku ammaanay Ethiopia kaalinta ay kaga jiraan la dagaalanka Al-shabaab.
“Dowladda Ethiopia waxay gacan ka geysanaysaa sidii Soomaaliya ay u xasili lahayd, waana mid aan ku ammanayno kaalintooda muuqata,” ayuu yiri Raysul wasaare Sharma’arke.
Itoobiya waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo ka tirsan hawl-galka midowga Afrika ee Amisom, kuwaasoo dagaallo kula jira Ururka Al-shabaab.
Puntlandes.com