Ceynte ”Dhaqaalaha ay ku deeqday Q. M. waa in la waafajiyaa qorshaha horumarinta Qaranka”

9 Julys 2016 (Puntlandes) Wasirka wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dDFS Cabdiraxmaan Sheakh Cali Ceynte ayaa soo dhaweeyey lacag gaareysa 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo Sanduuqa horumarinta iyo nabadda ee Qaramada Midoobay uu ugu deeqay dowladda Soomaaliya, taasi oo loogu talo galay dib u dhiska dalka Soomaaliya.

227-2b3

Wasiir Ceynte ayaa waxa uu ku dooday in deeqdaasi ay soo dhaweynayaan balse uu dsalbanayo in lagu soo wareejiyo lacagtaas iyadoo la waafajiyo taageeradaasi Qorshaha Horumarinta Qaranka ee uu diyaariyey, maadaama dalku iminka uu yeeshay qorshe qaran oo dhameystiran.

Wasiirka ayaa taasi ku micneeyey in Qorshaha Horumarinta Qaranka ay ku cadyihiin gabi ahaanba arimaha horumarinta dalka.

“Waan soo dhaweyneynaa deeqda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaanse ugu baaqeynaa in la waafajiyo Qorshaha Horumarinta Qaranka ee uu dalku yeeshay, maadaama ay halkaas ku cad yihiin dhammaan arrimaha xagga horumarinta ee hortabyada leh”ayuu yiri wasiirka wasaarada Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya mudane C/raxmaan Sheakh Cali Ceynte.

Dhaqaalahan ay ku deeqday Qaramada Midoobay ayaa si toos ah ugu dhacaysa Bankiga dhexe ee dalka, iyadoo hadii la waafajiyo Qorshaha Qaran ee dalkana ay sahleyso in sida loogu talo galay loo maareeyo.

Puntlandes.com

About The Author