Sawirro: Shaqaalaha Hey’adda Nile oo bilaabay inay isaga baxaan Muqdisho

22 July 2016 (Puntlandes) Iyadoo maanta ay ku egtahay mudadii DFS u qabatay in Shaqaalaha Hey’adda Nile Organization dalka uga baxaan ayaa qaar ka mid ah Shaqaalaha Hey’adda ay bilaabeen inay isaga baxaan magaalada Muqdisho.

Hey’adda Nile Organization oo ah hey’ad aan dowli aheyn ayaa magaalada Muqdisho ku leh xarumo caafimaad iyo waxbarasho, iyadoo Hey’addan ay hoos-tagto hey’ado uu leeyahay Wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee todobaadkii hore ka dhacay Turkiga.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Isbitaalka Deva iyo qoysaskooda ayaa maanta isaga baxay magaalada Muqdisho, iyagoo boorsooyinkooda ka xir xirtay

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Deva Dr. Maxamed Al Perto ayaa sheegay in Soomaaliya ay u yimaadeen in shacabka Soomaaliyeed ay caawiyaan, isla markaana u fuliyaan adeegyo caafimaad oo muhiim ah.

“Waxaan Soomaaliya u nimid inaan caawino shacabka Soomaaliyeed, waxaa ku sugneyn muddo afar sano ah, waxaan haatan uga baxeynaa cadaadis naga soo wajahay dowladda Soomaaliya”ayuu yiri Dr. Maxamed Al Perto.

Agaasimaha ayaa sheegay in shaqa kasta oo ay shacabka Soomaaliyeed u hayeen ay gebi ahaanba joogsatay, taasna ay aad uga xun yihiin

Sidoo kale Dr. Halim Yilmas oo ahaa dhaqtarka kaliya ee qaabilsan dhanka Kilyaha ee joogay Soomaaliya ayaa sheegay in nasiib darro tahay in dowladda Soomaaliya ay dalka ka baxaan dhamaan shaqaalaha Nile Organization, iyadoo aan la siin waqti ku filan oo ay dalka uga baxaan.

Golaha Wasiirada DFS ayaa ku macneeyay tallaabada ay dalka uga saareen Hey’adda Nile Organization inay tahay markii dowladda Turkiga ka codsatay inay

Ciidamo ka tirsan DFS ayaa labo cisho ka hor la geeyay Isbitaalka Deva oo ku yaalla Dugsigii sare ee Banaadir, si aanay u dhicin bililaqo ama aan lagala bixin wixii qalab ee ku jira Isbitaalka.

IMG_7256IMG_7273IMG_7288IMG_7252IMG_7248IMG_7245

Puntlandes.,com

About The Author